Dr. Cumar Saladi Cilmi for President
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Dr. Cumar Saladi Cilmi for President
I endorse his candidacy. He is well respected in Somaliland, Puntland and the South.
Khudbadii Dr. Cumar Salaad Cilmi u jeediyay shacabka iyo madaxda Galmudug.
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Gaalkacyo 20/05/2011
Mudaneyaal iyo Marwooyin
Ugu horraynta waxaan salaamayaa shirkan guud ee sharafta leh ee sida xarragada leh iyo maamuuska leh oo soo agaasimay, gaar ahaana waxaan salaamayaa una mahadnaqayaa Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalin, wasiirada, xubana golaha Wakiilada iyo guddomiyahooda, Culumaa-u-diinka, Golaha dhaqanka ee Odoyada, guddoomiyaasha iyo hawlwadeenada gobollada iyo degmooyinka, saraakiisha ciidanka nabadgelyada, Ganacsatada, madaxda iyo xunaha ururada bulshada rayadka, haweenka, dhallinyarada iyo ardada, iyo wax-garadka kale ee ka soo qaybgalay shirkan.
Shirkan qabashadiisa aniga ayaa codsaday. Waxaanan ma labaad u mahadcelina Madaxda iyo qaybaha kale duwan ee bulshada Galmudug ee ajiibay codsigayga sida wanaagsannna u qabanqaabiyey uga soo qaybgaalay shirka.
Waa maxay ujeedada aan u codsaday qabashada shirkan guud? Ujeedadu shirkanina waxa weeye inan halkan shaaca kaga qaado inaan isu sharraxayo tartanka madaxweynimada Soomaaliya ee dhacaya sida la filayo Bisha Agoosto 2011.
Waxaan jeclaystay inaan ugu horraynta arrintan kag dhawaaqo magaaladan Gaalkacyo oo aasal ahaan ka soo jeedo, taasoo kulmisa oo magaalo madax u ah labada maamul ee Dawlad Goboleedka Galmudug iyo Gobolka Mudug ee ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland. Waayo sharaf weyn ayay ii tahay degaankaanna bulshada degtana sidoo qadarin iyo maamuus bay u tahay.
Jago iyo masuuliyad siyaasadeed ee aan qabto waxaa igu dabaysay 1981dii kadib markii aan ka tagay oo iska-calisyey jagooyinkii sare ee aan ka hayyey Dawladdii Kacaanka ahayd ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre anigoo ka biya-diiday siyaasaddii markaa dalka lagu maamulayey. Mudadaas 32ka iyo labada sano ah waa ka maqnaa goobta siyaasadda tooska ee firfircoon. Waayo siyaasadihii iyo maamuladii jirey ilaa maanta waxay ahaayeen kuwo ku salaysan muusuq-maasuq iyo dano gaar oo aan marnaba u adeegayn danaha guud ee ummadda. Natiijadiina waxay noqotay in qaranjab ku dhaco Ummadda Soomaaliyeed, maantana jiritaankeedi iyo aaya-tiinkeedii ku jiro halis weyn.
Maxaa igu kallifay inaan maanta doono ka qaybgalka siyasadda noocaas ee ka baxay 32 sano ka hor? Ma waxaan doonaya in mar la iigu yeero ‘Madaxweyne’ mise maal helo? Maya, ujeedadaydu ma ahan labadaas midnaba. Waxaa waxaan muddo dheer ka danqanayey ama ka murugeysnaa qalaalaasaha ba’an, durxumada iyo hoogga iyo balaayada ummadda Soomaaliyed ku suganayd, welina jirto, mudda soddonka sano iyo xaaladda dabargo’a ku socda taasoo ay daliil tahay arrimaha uur-ku-taalada leh hoos ku xusan:-
· Qaranjab – la’aan dawlad dhexe oo wax-qaban leh oo u adeegta ummadda, burbur iyo kala-qoqob ku dhacay bulshadii iyo dalkii Soomaaliyeed;
· Gumaad Joogto ah – dad aan sab ka yarayn 1 malyuun ayaa ku halaagmay dagaal, cudur, abaaro iyo macuul aan miciin iyo ciirsi lahayn (labadii sannadood ee 1991-1992 keliya 360-400,000 oo dad lagu qiyaasay ku dintay sababo dagaal iyo macaluul abaaro keeneen.
· Burbur aan xad-dhaaf ah – hantidii qaranka iyo shacbiga oo loo burburey ama loo dhacay si aan la xisaabi karin ;
· Barackac ballaaran– 2.5 malyuun dad lagu qiyaasay ayaa ku barackay gudaha dalka colaad iyo abaaro awgood oo manta faqri iyo macaluun ku sugan;
· Qaxooti xad lahayn– 1.5 malyuun ka badan dad lagu qiyaasi ayaa u qaxay dalalka adddunka;
· Faqri iyo cudur baahay – 60% ka badan dad lagu qiyaasay ayaa la il-daran faqri iyo macaluul ba’an, darxumo, silic iyo saxariir;
· Qax joogto ah – 360,000 oo qof in ka badan oo dhallinyaro, dumar iyo carruur ayaa ku jira oo ku talaabaysan xeryaha qaxootiga ee ka oodan dalka Keenya, ayadoo bil kasta 10,000 oo qof oo ka imaanya Soomaaliya ku qulqulaya xeryaahaas oo ka imaanya Soomaaliya. Kumanal kale oo dhalliyaro ah (rag iyo dumar) ayaa ayaguna bil walba ka qaxaya dalka oo ku halaagma badaha ama saxaraha Afrika waqooyi iyo birriga dalal shisheeye, ama ku silicsan jeelasha dalalka addduunka ka jira oo dhan.
Arrimahaas murugada dartood, waxaan go.aan ku gaaray dib uugu noqdo siyaasaddii aan ka biyo diidsanaa, si aan uga loolamo goobta siyaasadda heer qaran oo aan ka qaybgalo tartanka madaxnimada dalka si halkaas uga jeediyo aragtidayda iyo hindisooyin ku aadan badbaadinta Ummaddeena halista ku jirta.
Waa sababahaas kuwa ugu kallifay inaan halkan ka caddeeyo inaan isu sharraxi doono jagada madaxweynaha. Waxaanan jeclahay inaan arrintan kaga dhawaaqo gobo kale ee muhiim ah haddii Alla Idmo.
Mar labaad ayaa u mahadcelinyaa madaxda sare iyo hadaha Galmudug iyo golayaasha iyo qaybaha kale duwan ee bulshada ee maanta ugu sharraftay ka soo qaybgalka shirkan guud. Waxaanan idinka codsanayaa dhammantiin inaad igu taageertaan niyadda iyo duco. Idin mana lihi aniga keliya i taageera, waxaan qabaa inaad soo dhaweysaan oo taageertaan qofkii kale ee reer Galmudug ah oo isu sharraxaya madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn waxaan idin ku boorinayaa idinka codsanyaa inaad xoojisaan midnimadiinna,wada-shaqayn iyo nabadgelyada Galmudug iyo inaad xiriir walalnimo, deris-wanaagsan iyo iskaashi dhinac kasta ah la yeelataan maamulaada iyo beelaha walaalaha ah sida Ximan iyo Xeb, Gobolka Mudug ee Puntland, iyo Gobolka Galgaduud.
Allah talada iyo tubta toosan ha inagu hagaajiyo.
Cumar Salaad Cilmi
Musharrax Madaxtooyada Soomaaliya

- Hyperactive
- SomaliNet Super
- Posts: 34541
- Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
- Location: "Some people are so poor, all they have is money."
Re: Dr. Cumar Saladi Cilmi for President
what his qualification other than being your kin , adeer?
where he stands about ONLF halgan (taas ba anika e daran)

- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Dr. Cumar Saladi Cilmi for President
War niyow sacad-ku ka qosol badna . War kii Germany iyo Turkey tagay ee ku yidhi anigaa 'piracy" ka baabi'inaya Somalia , e President hebel isku sheegi jiray xaguu maray ?
Sannad walba ma qof cusub baad hor keenaysaan ummada ?
Sannad walba ma qof cusub baad hor keenaysaan ummada ?
Re: Dr. Cumar Saladi Cilmi for President
I want to know what he thinks about
1- Al shabaab
2- Amxaar
3- Mareeykanka
4- Kenya
5- Somaliland
6- Secularism
1- Al shabaab
2- Amxaar
3- Mareeykanka
4- Kenya
5- Somaliland
6- Secularism
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1543
- Joined: Mon Oct 25, 2010 11:46 pm
- Location: Mwingi, Kenya
Re: Dr. Cumar Saladi Cilmi for President
why did you leave Ethiopia from your list?melo wrote:I want to know what he thinks about
1- Al shabaab
2- Amxaar
3- Mareeykanka
4- Kenya
5- Somaliland
6- Secularism
Re: Dr. Cumar Saladi Cilmi for President
barakaboy10 wrote:why did you leave Ethiopia from your list?melo wrote:I want to know what he thinks about
1- Al shabaab
2- Amxaar
3- Mareeykanka
4- Kenya
5- Somaliland
6- Secularism

- ciyaal_warta
- SomaliNet Super
- Posts: 9629
- Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
- Location: Hiiraan State of Somalia
Re: Dr. Cumar Saladi Cilmi for President
ninba meel u daranhyperactive wrote:what his qualification other than being your kin , adeer?
where he stands about ONLF halgan (taas ba anika e daran)

i want to know where he stands about our dearly Wardhiigley-Land ??
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Dr. Cumar Saladi Cilmi for President
Hyper,
Nin sacad would never betray an Cagdheer.
Ciyaalwarta,
He believes in keeping it Hawiye but no Galjeceel allowed until they return komputerka.
Nin sacad would never betray an Cagdheer.
Ciyaalwarta,
He believes in keeping it Hawiye but no Galjeceel allowed until they return komputerka.
- ciyaal_warta
- SomaliNet Super
- Posts: 9629
- Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
- Location: Hiiraan State of Somalia
Re: Dr. Cumar Saladi Cilmi for President
AbdiWahab252 wrote:Hyper,
Nin sacad would never betray an Cagdheer.
Ciyaalwarta,
He believes in keeping it Hawiye but no Galjeceel allowed until they return komputerka.

as long as they have our Komputer they can not return
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 840 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 0 Replies
- 266 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 819 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 3 Replies
- 511 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 7 Replies
- 1138 Views
-
Last post by MaliPirate
-
- 7 Replies
- 978 Views
-
Last post by quark
-
- 21 Replies
- 3055 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 15 Replies
- 2755 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 9 Replies
- 1572 Views
-
Last post by weydamal
-
- 13 Replies
- 7731 Views
-
Last post by Xamud.