Boosaso ( RBC Radio) Waxaa Magalada Boosaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland Laga dareemaya diyaargarowga dhismaha Golaha deeganka ee degmada Boosaso.
Golaha deeganka ee Degmada Boosaso ayaan Shaqeyn Mudooyinkani iyadoona Mudo Dheer La sugayay dhismaha Golaha oo Ah Udub dhexaadka Wax Qabadka degmada, Xili sii Horeyay ayaa Masuuliyin Ka socda Wasarada arimaha Gudaha ee Puntland ay soo gaadheen Boosaso Isla Markaasina Kiciyeen Diyaargarowga Golaha deeganka.
Balse Ma dhicin Wakhtigii Loogu talagalay waxaana Arintaasi ay Keentay in Shaki Yimaado Waxa ka danbeya Dib u dhaca Dhowrka jeer Soo Noqday ee Golaha deegaanka degmada Boosaso.
Hadaba dhwaan Markii uu Yimid Magalada Bosaso madaxweyanaha dawlada Puntland C/raxmaan Maxmed Maxmuud ayaa Madaxweyanaha waxaa uu Kulan La Qaatay dhamaan Beelaha Gobolka Oo kala Hadlay sidii Loo soo xuli lahaa Xildhibaanada Golaha deeganka Degmada.
Waxaana Xiligaasi Wixii Ka danbeyay Jiray Dhaq dhaqaaq Xoogan oo laga Dareemayo boosaso oo ku aadan Dhismaha Golaha deeganka Iyadoona ay Jiraan Kulamo Beelaha Gudahooda ah oo Ku aadan Habka dhismaha Golaha iyo Cida ay soo Xulanayan.
RBC Radio ayaa la Kulamay Qaybo ka mid ah Xubnaha Isku Sharaxay Gudonka degmada iyagoona sheegay in Xiligani rajo wanaagsan ay ka qabaan in ay Noqdaan Gudoon Waxgal ah Oo Degmada ay yeelato.
ugu danbeytiina Golaha Deeganka degmada Boosaso ayaa waxaa uu Yahay Golaha kaliya ee Haatan dhismihiisu taagan yahay dhamaan Puntland Waxaana ka Horeyay Dhismaha deeganka Looga soo dhameytiray Degmada Badhan.
RBC Radio
Dhismaha Golaha Deeganka Degmada Boosaso Oo Heer Wanaagsan
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 467 Views
-
Last post by damu
-
- 0 Replies
- 466 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 404 Views
-
Last post by quark
-
- 0 Replies
- 424 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 542 Views
-
Last post by Ismail87
-
- 0 Replies
- 658 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 31 Replies
- 5523 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 6 Replies
- 2513 Views
-
Last post by ShirShoore7
-
- 1 Replies
- 1665 Views
-
Last post by kkk47
-
- 2 Replies
- 9434 Views
-
Last post by Diyeeshaha_Tolka