











Shir jaraa’id ayaa ka dhacay xarunta xafiiska siyaasadda ee QM ee Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in ay wakiillada golaha ammaanka isla arkeen sadex qodob oo kala ah:
1- Joojinta khilaafka madxdadowladda u dhaxeeya
2- Ilaalinta axdi qarameedka, iyo ku dhaqmidda shuruucda u degsan.
3- In shirka bisha June magaalada Muqdisho lagu qaban doono lagu go’aamiyo qaab siyaasadeedka uu dalku ku socon doono, uuna shirkaasi gacanta ku haayo xafiiska arrimaha siyaasada u qaabilsan QM, wixii ka soo baxana uu danjire Mhiga ula laaban doono golaha ammaanka kadiba la isla arko.
Waxaa shirka jaraa’id isla qabtay:
Eregeyga joogtada ah ee dowlada Ingiriiska u qaabilsan golaha ammaanka Mr.Mark Lyall Grant, Ergeyga joogtada ah ee dowladda Koofur Afrika u qaabilsan golaha ammaanka Mr. Baso Sanguqu, iyo ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Somalia Augustine mhiga.