Mayar ku-xigeenka Degmada Lughaya complains about Maxad Case

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
AwdalPrince
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1269
Joined: Fri Feb 19, 2010 7:37 am
Location: North Carolina

Mayar ku-xigeenka Degmada Lughaya complains about Maxad Case

Post by AwdalPrince »

Degmada Lughaya comprises of many towns and villages. Three clans inhabit it.

Magaaladda Madaxda Lughaya = Bahabar Muuse, (Maxamaed Case) 100%
Garbodardar = Bahabar Muuse 90%
Geerisa = Ciise 100%
Tuurka: Bahabar Muuse/ Sacad Muse
Sabowanaag: Sacad Muuse 100%
Ceel la helay: Maxamed Case (70%), Sacad Muse (30%)



Borama(Maghudnews)-Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Lughaya Xasan Ibraahim kaahin ayaa sheegay in xilkii uu ka hayay degmadaasi qaab beeleed la doonayo in looga saaro, ka dib markii ay isku dhaceen Maayirka Degmada laba sanadood ka hor.

Xasan Ibraahim oo xalay khadka Taleefanka kula soo xidhiidhay Awdalnation ayaa waxa uu sheegay in Maayirka Lughaya duulaan ku yahay jagadii uu dawlada uga hayay degmadaasi, isla markaana uu nidaam beeleed ku cadaadinayo, maadaama oo isaga beeshoodu halkaasi ku badantahay.

Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu intaasi ku daray inaanu muddo afar bilood ah wax mushahar ah qaadan, ka dib markii Maayirku ka hor joogsaday shaqadiisa, taasoo markii uu uga dacwooday Maamulka Gobolkana waxba laga qaban waayay, isla markaana ilaa Wasaaradda arimaha Gudaha cabasho ka dhan ah Maayirka uu gaadhsiiyay, balse ilaa hada wax jawaab ah aanu ka haynin.

Mr Xasan waxa uu ku hanjabay in uu Xilkaasi iska casilayo, hadii maalmaha soo socda uu Jawaab ka waayo Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ay Cabashadiisu hada taalo, isaga oo ka codsay Xukuumadda gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay arintaasi si dhakhso ah wax uga qabato.

Guddoomiye ku-xigeenka Lughaya waxa uu ku dooday in Beeshoodu ku yartahay Degmada, taasina ay sabab u tahay in Beel ahaan lagu cadaadiyo oo xilka looga qaado.

Maayirku ku-xigeenkani waxa kale oo uu xusay in xilka uu hayo u Magacaabay Madaxweynihii hore sanadkii 2009, isla markaana ay Maayirka isku dhaceen isla sanadkii xilka loo wada Magacaabay ilaa iyo wakhtigaasina ay is khilaafsanaayeen

Magudhnews
User avatar
AwdalPrince
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1269
Joined: Fri Feb 19, 2010 7:37 am
Location: North Carolina

Re: Mayar ku-xigeenka Degmada Lughaya complains about Maxad

Post by AwdalPrince »

He is lucky to even be represented as Maayar ku xigeen, why is he complaining? Now he is saying that Beesha Lughaya (Maxamed Case) support Awdal State, even I know thats bullcrap:

Maayar Ku Xigeenka Lughaya Oo Daboolka Ka Qaaday Qorsheyaal Lagu Minjo Xaabinayo Qaranimada S/Land Oo Laga Wado Deegaankaasi

Hargeysa, May 24, 2011 (Haatuf) - Maayar ku xigeenka degmada Lughaya ee gobolka Awdal Xasan Ibraahim Kaahin ayaa sheegay in magaaladaasi laga wado qorsheyaal lagu minjo xaabinayo qaranimada Somaliland, kuna eedeeyey in Maayarka iyo Odayaasha Lughaya ay u adeegayaan kooxda Qurba-jooga Awdal ee Somaliland Diidka ah.

Maayar ku xigeenku waxa kale ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo inay si dhakhso ah u soo faro galiso shiqoolada qaranka lagu duminayo ee deegaankaasi ka socda.

Maayar ku xigeenka Lughaya Xasan Ibraahin Kaahin oo xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramayay isaga oo ku sugan Lughaya, ayaa sidoo kale sheegay in cuna qabatayn laga saaray xil-gudashadiisii, waxaanu yidhi “Degmadan Lughaya ee aan Maayar ku xigeenka ka ahay waa mid dadka degani ay ku xidhan yihiin kooxda isku magacawday Awdal State, markii aan ogaaday inaanay Somaliland qaranimadeeda daacad u ahayn cuno-qabatayn ayaa laygaga soo rogay shaqadii, waa layga xan-qarsaday , waana la i takooray oo maamukiina dibada ayaan ka taaganahay”

Isaga oo ka hadlaya Lughaya waxa ka socda inay xukuumadu si degdega ah u soo faro-galiso, waxa uu yidhi “Awdal State meesha laga xukumaana waa Lughaya oo maayarka laftiisa ayaa ku jira, shirqoolo ayaana ka socda, marka aad u fiirsato waxyaalaha ka socdana waxaad is odhanaysaa malaha Lughaya Somaliland kama tirsana, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland inay si dhakhso ah usoo faro galiso qorsheyaasha ka dhanka ah qaranimada ee laga wado Lughaya”

Haatuf



Looool I support the Iidoors 100%, now they are isolating the only subclan of Samaroon which is sympathetic to Somaliland ideology. Kepp doing to job for us and Awdal State will be a reality sooner than expected. O Allah make the Iidoors and Maxamed Cse hate eachother ameeen :lol:
djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: Mayar ku-xigeenka Degmada Lughaya complains about Maxad

Post by djibsomali »

That mayor should kick the issak guy back to hargeisa !!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”