Mayar ku-xigeenka Degmada Lughaya complains about Maxad Case
Posted: Thu May 26, 2011 8:23 am
Degmada Lughaya comprises of many towns and villages. Three clans inhabit it.
Magaaladda Madaxda Lughaya = Bahabar Muuse, (Maxamaed Case) 100%
Garbodardar = Bahabar Muuse 90%
Geerisa = Ciise 100%
Tuurka: Bahabar Muuse/ Sacad Muse
Sabowanaag: Sacad Muuse 100%
Ceel la helay: Maxamed Case (70%), Sacad Muse (30%)
Borama(Maghudnews)-Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Lughaya Xasan Ibraahim kaahin ayaa sheegay in xilkii uu ka hayay degmadaasi qaab beeleed la doonayo in looga saaro, ka dib markii ay isku dhaceen Maayirka Degmada laba sanadood ka hor.
Xasan Ibraahim oo xalay khadka Taleefanka kula soo xidhiidhay Awdalnation ayaa waxa uu sheegay in Maayirka Lughaya duulaan ku yahay jagadii uu dawlada uga hayay degmadaasi, isla markaana uu nidaam beeleed ku cadaadinayo, maadaama oo isaga beeshoodu halkaasi ku badantahay.
Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu intaasi ku daray inaanu muddo afar bilood ah wax mushahar ah qaadan, ka dib markii Maayirku ka hor joogsaday shaqadiisa, taasoo markii uu uga dacwooday Maamulka Gobolkana waxba laga qaban waayay, isla markaana ilaa Wasaaradda arimaha Gudaha cabasho ka dhan ah Maayirka uu gaadhsiiyay, balse ilaa hada wax jawaab ah aanu ka haynin.
Mr Xasan waxa uu ku hanjabay in uu Xilkaasi iska casilayo, hadii maalmaha soo socda uu Jawaab ka waayo Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ay Cabashadiisu hada taalo, isaga oo ka codsay Xukuumadda gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay arintaasi si dhakhso ah wax uga qabato.
Guddoomiye ku-xigeenka Lughaya waxa uu ku dooday in Beeshoodu ku yartahay Degmada, taasina ay sabab u tahay in Beel ahaan lagu cadaadiyo oo xilka looga qaado.
Maayirku ku-xigeenkani waxa kale oo uu xusay in xilka uu hayo u Magacaabay Madaxweynihii hore sanadkii 2009, isla markaana ay Maayirka isku dhaceen isla sanadkii xilka loo wada Magacaabay ilaa iyo wakhtigaasina ay is khilaafsanaayeen
Magudhnews