Dowladda Puntland sheegtay inay baarayso tayada shaqaalaha

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Dowladda Puntland sheegtay inay baarayso tayada shaqaalaha

Post by FBISOMALIA »

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay wado qorshe ku saabsan sidii loo ogaan lahaa tirada iyo tayada shaqaalaha Dowladda Puntland iyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala deegaanada Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda Puntland Siciid Daahir Qodax oo shir jara’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegay inay wasaaradda ay laba gudi u xilsaartay inay soo ogaadaan tirada iyo tayada shaqaalaha dowladda Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in 19-kii bishan ay wasaaradda ay magacawday gudi ka kooban afar xubnood oo loo xilsaaray inay soo ogaadaan tayada iyo aqoonnta shaqaalaha dowladda Puntland waxaana uu sheegay in gudigaasi ay kala yihiin:

Cali Samatar Guhaad Gudoomiye
Barni Ciise Axmed Xubin
Saleebaan Maxamed Ismaaciil Xubin
Faadumo Maxamed Yuusuf Xubin

Gudiga loo xilsaaray hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa kala ah:

Ayaan Caydaruus Gudoomiye
Maxamed Cismaan Ciise Xubin

Waxaa uu sheegay wasiir kuxigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee Dowladda Puntland in arimahan ay salka ku hayaan sidii wasaaradda ay u ogaan lahayd tirada rasmiga ah ee shaqaalaha u shaqeeya dowladda Puntland, qaabka ay u shaqeeyaan,shaqsiyaada ay u shaqaalaysanyihiin,tirakoobkooda iyo waajibaadka waxyaabaha loo igmaday.

Wasiir kuxigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland Saciid Daahir Qodax ayaa intaasi ku daray in dhamaan gudiyada ay magacaabeen ay si toos ah u bilaabeen howladooda shaqo waxaana uu sheegay inay diiradda saari doonaan shaqooyinka shaqaalaha dowladda iyo ha’adaha samafalka.

Si kastaba waa markii ugu horeysay ee dowladda Puntland ay sheegto inay u kuurgalayso tayada shaqaalaha dowladda iyo hay’adaha ka howlgala deegaanada Puntland,waxaana hadii arintani lagu guulaysto ay keeni kartaa inay wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha Puntland inay ka howlgalaan shaqaalo ka dhowrsoon musuqmaasuqa iyo aqoon daro.


Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”