Puntland iyo Qodobadii ay Ka Jeedisay Shirkii Golaha Amaanka

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Puntland iyo Qodobadii ay Ka Jeedisay Shirkii Golaha Amaanka

Post by FBISOMALIA »

Nairobi ( RBC Radio) Iyadoo dhawaan ay Dawlada Puntland ay ka Qaybgashay kulan balaaran Oo Golaha amaanka Qaramada Midoobay u Qabatay Qaybaha kala duwan ee Madaxda Somalida ayaa waxaa Haatan Soo baxaya Faa Faahino kala duwan Oo SHirkaasi Ku Saabsan Iyo Puntland Waxaa ay Ku Soo bandhigtay.

Wasiiru dawladaha Maamulwanaaga Puntland Maxmed Faarax Ciise Gaashan oo Warbaahinta Gudaha Puntland La Hadlayay ayaa sheegay In Puntland ay Xooga Saartay Arimaha Kala duwan ee Haatan Ka jira Gudaha deeganada Puntland.

Qudabada Laga jeediyay Shirka Qaramda Midoobay Ay Ku Qabatay Nairobi Oo ku saabsaneed arimaha Puntland ayaa Waxaa ay Ka Koobneed sida Gaashaan uu Shegay Lix Bog Oo Looga hadlayo Dhamaan Arimaha Gudaha iyo Dibada Puntland Qudbadaasi oo Akhriyay Madaxweyne Faroole.

Ugu Horeyna Dawlada Puntland ayaa Waxaa ay Golaha amaanka Tacliiq Ka Siisay Puntland Halka ay Ku Taalo iyo Xuduudaheeda iyo Qaabka ay U Shaqeyso Dawlada puntland Ee Somaliyeed, sidoo Kale Xubanaha Golaha amaanka Qaramda Midoobay ayaa waxaa ay Puntland uga Warbixisay Xiliga La dhisay iyo Qaabka Loo dhisay dawalda Puntland.

Sidoo Kale Puntland Waxaa ay Shirka Ka sheegtay Waayo aragnimada ay U Leedahay La dagaalanka Burcad badeeda iyo Argagaxisada, Puntland Waxaa ay Sheegatay In ay Ka Xuntahay Lacagaha madaxfurashada ee La siinayo Kooxaha dadka Afduubta ee Badaha Saaran Oo Puntland ay sheegatay in Lacagahaasi Loo adeegsado In Lagu maalgaliyo Kooxo Xagjir ah oo aan Dooneyn Daganasho Taasi Puntland ay sheegatay In ay Aad Uga Xuntahay.

Puntland ayaa shirka Ka Hor sheegatay In ay Gudaha Puntland Ka dhaceen Shirar Muhiim ah Oo In Mudo ah Ka dhicin Somalia Kuwaasi Oo Loo Qabtay Qayabaha kala duwan ee shacabka Somaliyeed Gaar ahaan Shirkii Culimada Somaliyeed iyo Kii Haweynka Somaliyeed Oo Laba Waji ahaa Puntland Lagu Qabatay, Ciyaarihii Gobolada Dalka Somaliya Oo Wakhti Dheer Aan laga Qaban gudaha dalka somalia oo Puntland ay Isku Xilqaantay Kuna Guuleystay Qabashadooda.

Puntland Waxaa ay Sidoo kale Halkaasi Ka Sheegatay In Ay Sameysatay Sharci Ku aadan arimaha Burcada Badaha iyo Argagaxisada Taasi oo Loo Gudbiyaya Baarlamanka iyo Xukumada isla Markaasina ansixiyeen Haatana ay Jiraan dad Lagu Riday Xukunada Ku Qoran Sharcigaasi la dagaalka Xumaan Wadayasha, sharcigaasi Oo la soo Dhaweyay Sacabkana Loo garaacay In Mudo ah.

Arimaha DKMG Somalia

Dawlada Puntland Halkaasi waxaa ay Ka sheegtay In Loo Bahan Yahay in Isbedel lagu sameyo Hay’adaha Fulinta ee DKMG Somalia Gaar ahaan Madaxweyanaha iyo Xukumadiisa Si Kasbana Doorasho ay Dhacdo Xiligeedi Loogu Talagalay Aritaasi oo Guul Wanaagsan u Ah Dhamaan Shacabka Somaliyeed.

Dawalada Puntland waxaa ay sidoo kale soo Gudbisay In Shirka Dib U Heshiisinta Loogu Qabto Ama Kan Doorashada Meel macquul ah Oo nabad ah Gudaha Dalka somalia ka mid ah Taasi Oo Keeni Karta in uu Soo Baxo Hogaan Wanaagsan Umada si Daacad ah Ugu Adeega.

Maamulada Kale ee shirka ka Qaybgalay ayaa dhamaantood waxaa ay Ka sinaayen Arimahaha La Xiriira Naqdinta Xili Kororsiga Dawalda KMG Somalia, Marka laga soo tago Maamulka Galmudug Oo Shirka ka Sheegay In ay ku Talinayaa In Mudo Hal Sano ah Loogu Daro Dawalada Haatan Jirta.

Puntland ayaa sheegtay In Wax Lagu Faani Karo ay tahay Fikaraha sida Weyn Loo soo Dhaweyay ee soo Jeediyeen ay Ka Mid Tahay In Shirka somalida Lagu Qabto Gudaha Dalka Somalia iyo In Baarlamanka Somalia Uusan Wax Buuran Ka Danbeytiin Xukumada Balse Uu sii Jiro Inta Isbadalka Dalka ka Dhacayo.

Somaliland Iyo Shirka Golaha Amaanka

Maamulka Somaliland Oo Shirka Kaga Qaybgalay In ay Yihiin dawlada Gaar ah oo Somaliyeed ayaa waxaa Halkaasi ay Ka Sheegen In aysan Quseyn Arimaha Laga Hadlaayo Ee Somalia Taasi oo Keentay In Safiirka dalka Ingiriiska Uu Weydiiyo Sababaha keenayo In ay Somali Inteeda Kale ka Gaabsadaan.

Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Maxamed C/llahi Cumar ayaa waxaa uu Halkaasi Ka sheegay in sababta Kaliya ee Somaliland Shirka U timid ay tahay ay tahay In Aqoonsi La siiyo balse Safiirka Ruushka Ugu Jooga Qaramda Midoobay ayaa Hadalkaasi Naqdiyay Isla markaasina ku Tilmaamay Mid aan wanaagsaneen maadama ay Somali isku Af iyo Diin Deegaan Tahay In La Kala Gooyana Xiligani Qorshaha Golaha amaanka aysan Ku Jirin.

Safiirka Ruushka ayaa sheegay in ay Midnimada somalia Tahay Mid Muqadas ah isla Markaasina Beesha Caalamka Xiligani ku Raad joogin sidii ay Aqoonsi Gaar ah U siin lahayd Maamulka Somaliland oo hadalkaasi Dhiniciisa aan U Cuntamin.

Dawlada Ingiriiska ayaa Dhabarka ka taabaneysay marka La eego Xubnaha Qarmada Midoobay maamulka somaliland Hase ahaate Dawlada kale ee ku Jira Golaha amaanka ayaa Dhamaantood isku Dhinac Iska Taagay Xaaladaha Dhinaca Aqoonsiga Oo Sheegay Taasi in ay tahay Mid Xiligan aan Loo Joogin.

Ugu danbeytiina Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo maraya Dhowr Caasimadood oo geeska Africa Ku yaala ayaa Shirkani Uga Gol lahaa sidii Loo Heli Lahaa Tubtoosan oo Loo Raaco Xaalada dalka Somalia Oo Wajiyo Badan La soo baxeysay Maalin Malinka Ka danbeya Waxaana la Filayaa in Natiijada Ugu danbeysa Ay Golaha Amaanka Soo Saaran Iyo Wixii ka soo baxay Kulanka dhinacyada Somalida ay La Qaateen.

M.Tolman
RBC Radio
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”