Gaalkacyo:D/Hoose ee Gaalkacyo oo wada olole balaaran oo hagaajinta bilicda ah.
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa maanta maalinkii labaad qeybaha kaladuwan ee magaalada Gaalkacyo ka soconaya Olole balaaran oo ku saabsan hagaajinta bilicda magaalada Gaalkacyo taas oo ay soo qabanqaabisay dawlada hoose ee magaalada Gaalkacyo islamarkaasna ay ka qeybgalayaan tobonaan kamid ah shaqaalaha nadaafada ee degmada Gaalkacyo iyadoo ololahan oo ah qashin uruurin laga samaynayo meelo badan oo magaalada uu qashinku ka buuxo.
Ololahan balaaran ee lagu nadiifinayo magaalada Gaalkacyo ayaa si gaar ah u loogu talagalay meelo kamid ah xaafadaha Garsoor & Israac gaar ahaana xeradii hore ee Daraawiishta & tii Galeyda kuwaas oo meelo kamid ah ay ka jiraan qashin ay khatarta tahay in uu keeno cuduro faafa maadaama lagu jiro waqti roobaadka Guga ee sanadkan.
Xoghayaha dawlada hoose ee degmada Gaalkacyo Axmed Xassan Aadan oo hormuud ka ah barnaamijkan ayaa APL usheegey in ay si wanaagsan u wadaan islamarkaasna gaadiid & shaqaale badan ay galiyeen goobaha ugu waaweyn ee qorshaha ugu jira, Waxaana uu intaas kudaray in shacabka looga baahanyahay inay ka qeybqaataan Olalaha balaaran isagoo sheegey in ay rajeynayaan inuu si fudud kusoo dhamaado.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
Gaalkacyo:D/Hoose ee Gaalkacyo oo wada olole balaaran
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 274 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 558 Views
-
Last post by jamols2
-
- 0 Replies
- 1665 Views
-
Last post by S-D-M
-
- 16 Replies
- 1159 Views
-
Last post by BVSNet
-
- 4 Replies
- 1385 Views
-
Last post by original dervish
-
- 11 Replies
- 2261 Views
-
Last post by Xamari_76
-
- 71 Replies
- 6604 Views
-
Last post by surrender
-
- 6 Replies
- 1355 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 0 Replies
- 7991 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 35 Replies
- 3770 Views
-
Last post by Rambie