Ciidamada SSC Oo La Wareegay Degaanka Gambadhe
Posted: Fri May 27, 2011 1:30 pm
Laascaanood,(lasanod Online)- Dagaal xoogan ayaa xalay ka dhacay tuulada Gambadhe oo dhanka bari 35km ka kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Ciidamo uu hogaaminayey Hogaamiye ku xigeenka SSC Col.Cali Sabarey ayaa la sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaas, kadib markii dagaal ku dhexmary maleeshiyada maamulka Somaliland ee ku sugnayd halkaas.
Wararku waxay sheegayaan in hal dhimasho ah iyo labo dhaawac ah ay dhanka Maleeshiyada Somaliland soo gaadheen, halka ciidamada SSC aan la sheegin wax khasaaro ah oo soo gaadhay dhankooda.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in magaalada Laascaanood la soo gaadhsiiyey dhaawac badan oo ka tirsan maleeshiyaada maamulka Somaliland.
Wararku waxay xaqiijinayaan in Tuulada dhankeeda bari ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamada SSC, xaalada Gambadhe ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana la filayaa in goobtaas dagaal kale dib uga qarxo dhowaan.
Kala Socda LASANOD ONLINE wixii wara ee kasoo kordha dagaalka Gambadhe.