




Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 u fariisteen imtixaankii finalka simisterka labaad ee sanad wax-barashadeedka 2010/2011.
Imtixaankan ayaa ka dhacaya dhammaan xaruumaha jaamacadda ee ay ku kala leedahay magaalada Muqdisho iyo degmada Boosaaso, waxaa imtixaanka maanta u fariistay kumaanka ardayda ah ee wax-ka-barata kulliyadaha iyo qaybaha kala geddisan ee jaamacadda.
Madaxa qaybta imtixaanaadka jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa ugu hambalyeeyay ardayda jaamacadda Muqdisho munaasabadan dhamaadka sanad jaamacadeedka 2010/2011, wuxuuna ku amaanay ardayda dadaalka ballaaran ee ay muujiyeen wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar.
aamacadda Muqdisho waa jaamacad leh aqoonsi caalami ah xiriirna la leh jaamacaddaha ka jira Qaaradda Afrika, xubina ka ah ururada jaamacadeed ee caalamka ka jira.
Imtixaankan ayaa ku bilowday jawi wanaagsan, iyadoo maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Muqdisho ay Alle ka baryeen inuu sida wanaagsan ee uu ku billowday uu ugu dhammaado.


