
Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland si rasmi ah uga furmay mashruuc aad u balaaran oo lagu taageerayo laguna hormarinayo dadka naafada ah ee kudhaqan deegaanada Puntland kaasoo ay samaynayso hay’adda caalamiga ah ee HandCap International, Waxaana furitaankii mashruucan ka qeybgalay madax uu kamidyahay wasiirka cadaalada ee Puntland & xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala deegaanada Puntland.
Madaxa hay’adda handcap International ee mashruucan soo qorshaysay islamarkaasna fulaynaysa Mr.Cabdisamed Ibraahim Jaamac ayaa sheegey in mashruucan uu midowga yurub taageerayo islamarkaasna ay hay’adiisu fulinayso, isagoo sheegey in ay doonayaan inay ka qeybqaataan sidii ay u hormarin lahaayeen naafada Puntland oo ay dhibaatooyin farabadani haystaan.
Mr.Cabdisamed Wuxuu sidoo kale sheegay in Handcap International ay markasta u taagantahay taageerista & u qareemida dadka naafada ah ayna markasta diyaar u yihiin ayna caawiyaan dadka naafada ah oo uu sheegey inay Soomaaliya ku badanyihiin islamarkaasna aysan helin dhamaan waxyaabihii muhiimka ahaa ee ay u baahnaayeen.
Wasiirka cadaalada & garsoorka ee Puntland Cabdikhaliif Sheekh Xassan (Ajaayo) oo si rasmi ah u furay barnaamijka lagu taageerayo naafada Puntland ayaa soo dhaweeyey mashruucan oo uu sheegey inuu yahay mid mihiim ah oo caawinaya dad si gaar ah u dhibaataysan, Wuxuuna hay’adda Handcap International ku amaanay sida ay markasta qeybta uga qaadato taageerista & hormarinta dadka naafada ah.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland