Iiidoor Abaal Daranaa!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
guhad122
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4958
Joined: Tue Mar 20, 2007 4:59 pm
Location: Jubbaland, NFD and DDS!!!

Iiidoor Abaal Daranaa!!!!

Post by guhad122 »

Don't get me wrong because I may actually possess more Iidoor blood than many of you iidoors as I have both Habar-Yoonis/Ceynaanshe and Arab genes in me.
But here is what I don't understand; Gamuute was basically Reer Qabri-Dahar as he was born and grew up in there. Yet when Reer-Cabdulle dude married an Ogaden fiancee of Habar-Yoonis guy, he got unconformable and completely departed from Carro Ogaadeen. I don't get it; wasn't he Habar-Jeclo. Abaal daranaa ninku :)
When he got to Caro iidoor, he threatened Wadaadkii reerku quraanka u dhigayay as he told him: :clap: :clap: :clap: :clap:
Ee waagu daalaco haddii an debedda kaa fiirsho
Doofaarradii Reer Xirsiyo duulki BaXawaadle
Wallee inad dakanadood u dhiman waysu dilantaane; basically he is telling the wadaad if he doesn't leave by the morning, he would be toasted :lol: :lol: :lol:
What amazes me the most about this piece is how this dude knew OG subclans. Unbelievable.

Gammute Gabyaaga la baxay oo ay Salaan Carrabey isku casri ahaayeen wuxu muddo badan ku noolaa carro Ogaadeen.Waa horraantii qarnigii tegey waxana carrada Ciid iyo Hawd ka aloosnayd colaad inta badan u dhaxaysey isaaq iyo Daaroodka dhulkaas wada dega. Waxa caado ahayd in laysu cudud sheegto nimbana kan u ka itaal iyo awood roon yahay maalkiisa meersado.
Gabaydh La odha jirey Dahabo Aw Nuur oo Ogaadeen ahayd una Doonnanayd nin Habar yoonis ah ayaa waxa guursaday nin Ogaadeen ah. Gammuute oo malaha dhiig qaaday ayaa beelihii Ogaadeen ee uu ku dhex noola ee gabaydha dhacay ku boorriyey inay gabadha celiyaan oo aysan xeerka iyo dhaqanka ku tuman. Shiikh iyo shariif, waayeel iyo wax-garad midna waa ku kari waayey inay arrinkaas foosha xun ay falaan oo weliba ay Gabadhooda ka qaadaan Seeddigood. Markii dheg-jalaq loo siin waayey ayuu Gammuute ka googoostay Carro Ogaadeen oo u soo gurya noqday Dhulka Habar Jeclo.

Gamuute markuu gurya yimi ayaa waxa u yimi nin Ogaadeen ah oo sheekh ah oo reeraha la yiil.
Wadaadku wuxu damcay inuu Gammuute ka waraysto Ogaadeen iyo ooshii uu ka soo boqoolay. Gamuute oo godob ka tirsanaya Ogaadeen waxa uu ku sigtay inuu wadaadkii seefta mariyo. Ilaah mahadi ha ka gaadhee Gammuute waa is qabtay oo waa la noqon weydey inuu nin Wadaad ah oo magan ah uu magliga u rabiyo. Wadaadkii ma diline Intuu sooryeeyey ayuu u mariyey gabaygan uu ugaga warramayo wadaadka xaaladda tolkiis (ogaadeen) ku sugnaayeen markii ugu war danbeysey. Gebagebada gabayga wuxu Gammute wadaadka leeyahay raashinka markaad cunto iga hor dhaqaaq intaanan ku galaafan.

Wadaadyohow dawaafkii haddaad war iga doonayso
Dibnahayga inaan kuu furaa dawba ma ahayne
Waxsaan haatan ugu daalayaa wayska kaa diri'e

Rag hadduu Dareertada sariyo duunka ka colloobo
Daan-daansi iyo looga roon dira-diraalaynne
Waa inuu intuu kor isu dayo kala dareeraaye

Dalka waadan joogine tolkaa waa dagaallamaye
Malaa adiga dabadaa rag badanbuu dugaag cunaye
Daarooto iyo layska kici ceelki Doqon-kaale

Haweenkii duddada meerayiyo dugeydi yeedheysey
Raggii dalaga beeraha tabcaday dumi Bakaartiiye
Dacwadii Rafliyo nooga timi Daahir iyo Xaashi
Digniintii is daba joogtey iyo weedhi demi weydey
Inay reer Subeer kol isku deyi igama daahnayne
--Was this a beef between Makaahiil and M/Subeer---Suldaan Rafle Guuled, Daahir Nuur and Xaashi are all Makaahiil so, was there beef between Makaahiil vs Subeer. I don't get it.

Dayax-weerar iyo baan ka biqi diillintii hore'e
Jeeruu dagaal xumi dhaco ay qolo ku daaduunto
Danbaa tidhiye Reer Aadan-Gawl diidyey nabadiiye Who is reer Aadan-Gawl?

Cawlyahan degtaasuu maroo webi u deyn qaadye
Derrintii Siddeetaale iyo Doollin ku hayaanye
Dabkana waxa u sidey reer Afgaab dil iyo laystaane
Dayrtii dhaweyd waxa ka lumay dannabbo waaweyne
Kollna dirire dooyana hadday debedda joogtaaye

Cabdallena ka daba guur intay Duhur boqooleene
Darwiish iyo Marreexaanna waa durugsanaayeene
Ugaas Kooshinkii Doy u kacay dib isu soo laabye
Dooxii Malayko ayay sidii Digirin jiifeene

Meesha iyo DawDaw Bah-Geri soo dabayshada'e
Dusha Caga-Maroodi baa lo'dii ugu dareertaaye
Doobtaa wax laga buuxiyaa daalisoo dhalaye
Niman Daabixiina oo u kacay duulka reer Xamara
Digtii Mooyihiyo waa qabeen dararti Baylaade

Wax Ammaadin dawriir ku furay duuddi Yabaloode
Dugsigii Abool iyo Burqay damacsanaayeeene
Reer Cali waxaa laga dayaa daaqi Xananleeye

Dusha Mohollin meeshiyo Dannod degelladii Dhiito
Dooxi Maraadhii-Gobliyo Daraydi Laasdhuurre
Himir dacalladeeduu fadhiyey dalable Haaruune

Daratoole iyo Faafan buu degey Ibraahiine
Habar-Calina Doollay fadhidey Doh yo Ceelgaabe--Doh iyo Dollo(Wardheer, Garloogube, Shilaabo, Wa'afdhuug, Yucub, Ubataale, Jaleelo, Cilaanle iwm)
Sidaas buu dadkiinnii ahaa mooyi dabaday'e

Bishii Dago dabaadigi hadhaan soo dabayshadaye
Annaga Dayrta tay nagu faleen Doyna laga sheegye
Daarood Ismaaciilba maqal danafas-koodiiye

Iyagaan dakano weynna qabin deynna lagu toosin
Caynaanshihii naga durkay ee dooxatada raacay
Nimankii dunjiga reer Isaaq dayro ka ahaaday
Reer Dalal diraacdaba ka qaad Dahabo Aw Nuure

Damaashaadka reerii ka dhacay daramalkii yeedhay
Durbaankii ka baxay baadan maqal duudda Aw Belele
Degmo haddii la dhaco Sheekhyada meel dawayn jiraye

Eeggana danbow kama baqaan duub-caddii Bogoxe
Dadkana lama hafree Awgayoow waxaw daliiilkiiya
Iyadaan ninkii doonay iyo duubki dhalay joogin

Dulmi bay ku mehersheen intoo daaha loo rogaye
Anna waa dumaashiday middaa loo dabbaaldegaye
Waxba yaan is diidsiinne waa daabac igu yaalle
Mid i dila mid igu diirsada iyo midan i doonaynin
Raggaan maanta Daharre ugu tegey dawlad ma ahayne

Dermo iyo Barkimo lays dul dhigay daacad haw filine
Doobtaha karuurka ah dhanoo haygu soo deyine
Dugsigaaga jiifsoo markaad diilalyada reebto

Ee waagu daalaco haddii an debedda kaa fiirsho
Doofaarradii Reer Xirsiyo duulki BaXawaadle
Wallee inad dakanadood u dhiman waysu dilantaane
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”