Caano Boodhe & Quule Undermining the Karbash of the Shabab
Posted: Mon May 30, 2011 3:17 am
Ciidammo taabacsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo isaga baxay deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo
Isniin, May 30, 2011 (HOL) – Ciidammo taabacsan DKMG oo ku sugan gobolka Gedo ayaa isaga baxay deegaanno ka tirsan gobolkaas, kaddib markii ay sheegeen inay haysataan daryeel la'aan iyo mushaar la'aan.
Deegaanka Dhamasle oo ku dhow degmada Ceelwaaq ayaa ka mid ah goobaha ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya taabacsan, halkaasoo ay xoogagga Xarrakatul Shabaab si nabadgalyo ah ay kula wareegeen shalay gallinkii dambe.
"Ciidamada dowladda dagaallo badan ayay galeen, sidaa daraadeed mushaaraad ka daahay iyo daryeel la'aan ayay iyagoo gadood ah uga baxeen degaanno ka tirsan gobolka Gedo," ayuu yiri Sahal Macallin Ciise oo ka mid ah sarkiisha hoggaaminaya ciidamadaas oo ku sugan gobolka Gedo.
Sarkaalkan ayaa ka codsaday madaxda DFKMG ah inay xalliyaan daryeel la'aanta iyo mushaaraadka daahay ee ay ciidamadu ka cabanayaan, isagoo sheegay inay taasi keeni doonto in ciidamadaas ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay kasoo baxeen.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii cidamada DKMG ah ay isaga baxeen deegaanka Buusaar oo 40-km dhanka bari kaga beegan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, kaddib markii uu khilaaf soo dhexgalay saraakiisha iyo ciidamada, iyadoo Xarrakatul Shabaab ay deegaankaas la wareegtay.
Ciidamada DKMG ahaa horraantii sannadkan waxay qabsadeen afar degmo oo ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka talinaysay labadii sano ee lasoo dhaafay Xarrakatul Shabaab, iyagoo degmooyinkaas qaarkood kula wareegay dagaal, halka kuwo kalena ay kula wareegeen si nabad ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya