war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tukaraq
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tukaraq
Laascaanood (RBC Radio):- Wararka naga soo gaaraya degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku soo waramaya in dagaal khasaare geystay uu dhexmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Somaliland.
Dagaalka dhexmaray labada ciidan ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaalkaasi uu socday saacado kooban la sheegayaa in uu geystay khasaare nafeed oo dhinacyada soo kala gaaray.
Wararku waxay intaa ku darayaan in ay jirto dhimasho labada dhinac soo kala gaartey iyadoo dhaawacyada dagaalkaasi ku waxyeeloobay loo kala qaadey magaalooyinka Laascaanood iyo Garowe, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladahooda caafimaad.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii ciidamada Soomaaliland ay weerar ku soo qaadeen fariisin ciidan oo ay deegaanka Tukaraq ku lahaayeen ciidamada difaaca Puntland halkaasina uu ka dhashay dagaalka socday saacadaha ee dhexmaray labada ciidan.
Ma jirto warar intaasi dhaafsiisan oo laga helayo deegaanka dagaalku ka dhacay ee Gambare, hase ahaatee wararkeena dambe ayan idin kugu soo gudbin doonaa wixii war ah oo ka soo kordha.
RBC Radio.

Last edited by FBISOMALIA on Mon May 30, 2011 1:35 pm, edited 1 time in total.
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tukaraq
Dagaal ka dhacay duleedka Tukaraq, Sool; Gaadiid dagaal oo laga qabsaday ciidanka Somaliland
Tukaraq, May 30 - Waxaa maanta dagaal xoogan oo la isku adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka uu ka dhacay inta u dhexaysa degmada Tukaraq ee gobolka Sool iyo tuuladda Higladda oo hoostagta degmaddaasi; dagaalka oo bilowday gelinkii danbe ee maanta (Isniin) ayaa waxaa uu dhexmaray ciidamo katirsan maamulka Somaliland iyo ciidamo isugu jira dadka deegaanka iyo kuwo katirsan ciidanka madaxtooyada Puntland oo fariisin ku leh deegaanka Tukaraq.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Somaliland ee fadhigoodu yahay halka lagu magacaabo Maraaga oo 5 KM u jirta magaaladda Laascaanood ay weerar ku qaadeen barta lagu cashuuro gaadiidka ee Puntland ku leedahay duleedka magaaladda Tukaraq.
Ciidamadda maamulka Somaliland ayaa dib looga riixey goobtaasi sida ay idaacadda Daljir u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo kusugan deegaanadda lagu dagaalamay waxaana xiligan la isku hor fadhiyaa tuuladda lagu magacaabo Higladda oo hilaaddii 20KM dhanka Laascaanood ka xigta degmada Tukaraq ee gobolka Sool.
Dagaalka oo ahaa mid khasaare geystey ayaa soconayey mudo saacado ah sida la sheegay, inta la ogyahayna waxaa ku dhawaamacmay ilaa laba askari oo ciidanka Puntland ah, maamulka Somaliland ayaa laga qabsaday laba gaari oo nooca dagaalka ee Tiknikadda loo yaqaano; noocyada baabuurtaasi ayaa lagu sheegay in mid kamid ah uu yahay gaari uu saaran yahay qorilga lagu magacaabo Baroon 50, halka mid ka kalena uu saaran yahay qori laba dhuumood ah kaasi oo magaciisa lagu sheegay Suu ama Suug, waxaana la ogayn khasaaraha dhanka nafta ah ee ciidamda Somaliland soo gaadhey walow la sheegay inay jiraan askar ka dhaawacantay balse aan tirsigooda naloo xaqiijin.
Xabadda ayaa hakatay gabal dhicii caawa waxaana wararku sheegayaan in xiligan la isku horfadhiyo Higladda iyadoo laga cabsi qabo in dagaalo hor lihi halkaas ka dhacan maalmaha soo socda.
Maamulka Somaliland ayaa inta badan dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeya gobolka Sool; 2007 ayay ahayd markii ay Somaliland si xoog ah maamulka Puntland ugaga qabsatay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood wixii mudadaasi ka danbeeyey ayaa maamulka Somaliland marar badan sheegay in ay qabsanayaan deegaanada ay ku magacaabaan xuduudahooda kuwaasi oo ay sheegeen inay ku eg yihiin halka lagu magacaabo Yoocadda oo ka tirsan xaafadaha galbeed ee magaaladda Garoowe.
Maamulka Puntland ayaa isagu u muuqday mudo dheer mid ka gaban-gaabsanaya dagaal dhexmara iyaga iyo Somaliland waxaana mudo badan iska daba tegey baaqyo nabadeed oo madaxda Puntland ku dalbayaan in deegaanaddaasi dagaal la'aan lagaga baxo; waxaana baaqyadaasi ay noqdeen kuwo aan la tixgelin, iyadoona hada ayba bilowdeen dagaalo iyo weeraro hor leh, lamana oga waxa maamulka Puntland xiligan ku dhaqaaqi doono.
Khadar Cawl Ismaaciil
Idaacada Daljir.

Puntland iyo Somaliland oo ku dagaalamay agagaarka deegaanka Tukaraq
Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ka dhacay agaagarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay saaka kasoo ruqaansadeen degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkan,balse wararka aan ka helayno saraakiisha Puntland ayaa xaqiijinaya in ciidamada Somaliland ay dib uga ruqaansadayn goobta uu ka dhacay dagaalka.
Deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan dowlada Puntland iyo ciidamo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee wasaarada duulista hawada Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash.
Wasiirka dowlaha madaxtooyada iyo maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa dhowaan u sheegay Horseed Media inay Golaha Amaanka ee QM u gudbiyeen dacwad ka dhan ah maamulka Somaliland oo salka ku hayso dhibaatooyin ay ku hayso shacabka Puntland ee ku dhaqan gobolka Sool
Ma jirto wax war ah oo la xiriirta dagaalkii maanta oo ka soo baxay dhinaca maamulka Somaliland ee weerarka soo qaaday,inkastoo wararka xiligan la helayo ay sheegayaan inay dagantahay xaaladda deegaanka islamarkaana ciidamada Puntland ay wali joogaan fariisimahooda.
Wixii Ka Soo Kordha Wararkaasi Kala Soco Horseed Media.
Horseed Media

War Deg Deg ah:-Ciidamada Soomaaliland oo soo weerarey Ciidanka Puntland ee jiida hore
Garowe(Puntlandi.com)Dagaal ayaa maanta ka dhex Qarxey labo ciidan oo kala taageersan Somaliland iyo Puntland meel u dhaxeysa Laascaanood iyo Garowe, Garowe na u jirta 120 km.
Dhaawicii u horeeyey ayaa hada lasoo gaarsiiyey Isbitaalka Garowe , ilaa hadase ma cada khasaaraha labada dhinac intuu le’eg yahey.
Ciidamo daacad u ah Soomaaliland ayaa maanta weerarka kusoo qaadey Ciidamada Puntland ee fadhiya Tuulada Gambara oo aans aas uga fogeyn Laascaanood.
Ciidamo xoogan oo gurmad ah ayaa markiiba gaarey goobtii dagaalku ka dhacey, warar aad ugu dhow Ciidanka ayaa noo xaqiijiyey in dib loo cayrsadey Ciidankii Dagaalka Soo qaadey.
Faahfaahin buuxda dhowaan ayaan idiinsoo gudbineynaa.
Puntlandi.com
Xarunta Wararka Deg dega ah

TUKARAQ: Ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay Tukaraq oo la soo weeraray
Tukaraq: (pp)- Ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay deegaanka Tukaraq ayaa waxaa weerar ku soo qaaday Ciidamo Daacad u ah ismaanulka la magac baxay Somaliland , dagaalkaas oo wararka na soo gaaraya ay sheegayaan inay labada dhinac ay soo gaareen khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Dagaalkaas oo Saacado socday ayaa waxaa la sheegayaa in Ciidamada Daacada u ah ismaamulka la magac baxay somaliland loo gaystay khasaare xoogan laguna gubay Gawaari kuwa dagaalka ah dibna loogu celiyey goobtii ay ka soo duuleen.
Ciidamada Weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa inay ahaayeen kuwa ka soo jeeda deegaanka Sool, kuwaas oo ka amar qaata ismaamulka Somaliland.
Labada dhinac ayaan la garan garin khasaaraaha dhimashada iyo dhaawaca ee soo kala gaaray inta uu le eg yahay , waxaana la sheegayaa in qolo walba dhaawaceeda iyo dhimashada ay la aadeen magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.
Maamulka Puntland ayaa la ´garan karin talaabada xigta ee ay qaadi doonaan , maadaama lagu soo weeraray deegaanka Tukaraq oo kulaala magaalada Caasimada ah ee Puntland

Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo maanta Duhurnimadii ay malayshiyo ka tirsan kuwa Somaliland duulaan culus kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee jiida Tukaraq ayaa ay khasaaro balaaran dhaliyeen dagaalkii dhexmaray labada ciidan ee kala ahaa kuwa Somaliland & ciidankii Puntland ee jiida fadhiyey, Iyadoo ay weli jiraan rasaas goos goos ah oo dhacaysa.
Wararkii u danbeeyey ee dagaalkaas ay APL ka helayso waxay xaqiijinayaan in ciidanka Somaliland si weyn loo durjiyey islamarkaasna gabaldhicii galabta la geeyey meel 20-Km u jirta degmada Tukaraq, Waxaana halkaas la geeyey kadib markii ay waqti kooban kusugnaayeen afaafka dhanka Laascaanood ee Tukaraq iyagoo si rasmi ah u qabsaday Kastankii Canshuurta Puntland ee degmada Tukaraq oo kamid ahaa Kantooralada ugu waaweyn ee canshuuraha soo uruuriya.
Wariye kusugan jiida Dagaalka ayaa APL u sheegey in ciidamo xoogan oo Puntland ka socda ay galabta gaareen Tukaraq islamarkaasna ay hubka darandooriga ku weerareen ciidankii Somaliland ee qabsaday Tukaraq afkeeda shishe, Waxaana ciidankan oo ka yimi dhanka Garoowe watay Sarkaal ka tirsan ciidanka Madaxtooyada ee Puntland waxaana ciidanka kamid ahaa ciidanka madaxtooyada ee Puntland oo dagaalkii galabta si firfircoon uga qeybqaatay.
Isbitaalka weyn ee Garoowe ayaa goordhaweyd oo maqribkii ah la geeyey Dhaawaca 1-Ruux oo Todobo ka dhigaya Lix isla galabta isbitaalkaas la geeyey, waxaana caawa heegan buuxa ku jira saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka weyn iyadoo ay dhamaan dadkani yihiin askartii Puntland ee jiida markii hore laga qabsaday, waxaana xusid mudan in gawaari gurmadka deg deg ahi ay ka qeybqaateen soo daabulista dhaawaca mana cada inay jiraan dhaawacyo kale oo ciidanka Puntland loo geystay.
Dhanka kalena Isbitaal gaar ah oo ay Somaliland ciidankeedu ku leeyihiin bar ciidan oo jiida Laascaano ah ayaa ay warar hoose sheegayaan in caawa la geeyey dhaawac 13-Askari oo kamid ahaa ciidankii maanta dhaawacmay, Waxaana ay dadka deegaanku sheegayaan in ay jiraan dhimashada ciidamo ka tirsan Somaliland oo la geeyey Laascaanood walow aanan la geynin isbitaalka weyn ee Laascaanood.
Dawlada Puntland xubno kamid ah oo ay ku jiraan Wasiiro & kusimaha madaxweynaha Puntland oo ay APL la xiriirtay waa ay ka gaabsadeen inay ka faahfaahiyeen dagaalkan deg dega ah ee maanta ka qarxay Tukaraq kaasoo ahaa mid si toos ah loogu soo qaaday ciidanka Puntland, Waxaana ay ciidanku halkaas kusugnaayeen mudo dheer iyadoo madaxda dawladuna ay sheegaysay inay dib usoo celinayso Laascaanood walow maanta la weeraray Tukaraq oo kala barta Garoowe & Laascaanood.
Cabdiqani Xayir
Cqxayir@hotmail.com
Allpuntland

- GacanSareeye
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1410
- Joined: Fri Jan 15, 2010 8:39 pm
- Location: Minnogadishu
Re: war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tuk
Very unfortunate statement and proves why SSC political&defense administration is needed.Dhinaca kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu walaac ka qabo ciimada SSC oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka taageero ka helaya Dowladda KMG Somaliya,islamarkaana doonaya inuu iska horkeeno maamulada Puntland iyo Somaliland,xili ay Dowladda Puntland sheegtay inay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis.
Ugu dambeyntii warka ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaaraynayso cid kasta oo ku lug leh inay qalalalaaso ka dhex abuurto labada maamul islamarkaana keeni karta inay fursad u noqoto xarakada Al-Shabaab.
Re: war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tuk
Wararkii ugu Danbeeyey ee dagaalada haatan ka soconaya Duleedka laascaanood
By Cali on May 30, 2011 with Comments 0
Wararkii ugu danbeeyey ee Dagaaladii Maanta ka dhacay Deegaanka Tukaraq oo katirsan Gobolka Sool ayaa ku soo Waramaya in Dagaalkii Wali uu haatan socdo, Dagaalkaasi oo dhexmaray Ciidama Maamulka Siilaanyo iyo Ciidamada Dawlada Puntland oo dagaalkaasi haatan ku soo Biiray.
Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online
Dagaalkani ayaana Waxa Markii hore Qaaday Ciidamada SSC Waxana haatan dagaalkaasi kaloo kaQayb Qaadanaya Ciidamo Beeleed uu Hogaaminayo Wasiirkii Hore ee Duulista iyo Hawada Axmed Karaash Waxan dagaalkaasi Guul ka gaadhay Ciidamada Isku dhinac ah oo Kuwa Maamulka Siilaanyo soo gaadhsiiyey Khasaare Xoogan dibna uga soo saaray Deegaanka Tukaraq haatana Marinaya Deegaanka Ganbadha oo Duleedka laascaanood ah.
Madaafiicda ayaana haatan laga Maqlayaa Gudaha Magaalada laascaanood oo la soo gaadhsiiyey Ciidamada Maamulka Siilaanyo Waxana Guud ahaanba Soconaya Dhaq dhaqaaqyo Xoogan oo ay Wadaan Shacabka Dhinacyada Dagaalamaya

Last edited by Executive on Mon May 30, 2011 2:11 pm, edited 2 times in total.
Re: war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tuk
Maamulka Puntland Oo Eedeeyey SSC-
Lasanod Online. Monday, May 30, 2011
Garoowe,(lasanod Online)- Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu walaac ka qabo ciidamada SSC..
oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka taageero ka helaya Dawladda KMG Somaliya.
" Waxayna SSC dioonayaan inay iska horkeenaan maamulada Puntland iyo Somaliland, xili ay maamulka Puntland sheegtay inay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis".
Ugu dambeyntii warka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaaraynayaan cid kasta oo ku lug leh inay qalalalaaso ka dhex abuurto labada maamul ee deriska ah.
Warkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya saacado ka hor markii iska horimaad aan la’ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ciidamada SSC iyo maleeshiyada Somaliland.
Lasanod Online. Monday, May 30, 2011
Garoowe,(lasanod Online)- Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu walaac ka qabo ciidamada SSC..
oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka taageero ka helaya Dawladda KMG Somaliya.
" Waxayna SSC dioonayaan inay iska horkeenaan maamulada Puntland iyo Somaliland, xili ay maamulka Puntland sheegtay inay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis".
Ugu dambeyntii warka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaaraynayaan cid kasta oo ku lug leh inay qalalalaaso ka dhex abuurto labada maamul ee deriska ah.
Warkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya saacado ka hor markii iska horimaad aan la’ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ciidamada SSC iyo maleeshiyada Somaliland.
- GacanSareeye
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1410
- Joined: Fri Jan 15, 2010 8:39 pm
- Location: Minnogadishu
Re: war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tuk
executive are all the puntland sites lying by saying the fight was started by the Somaliland army, widhwidh seems to be implying that it was started by SSC.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 7820
- Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
- Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug
Re: war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tuk
some people are just unbelievble.
Re: war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tuk
PL was not in the war baa ka xumanasa hadi ruunta lagu sheego?quark wrote:some people are just unbelievble.
This is what they had to say..
Garoowe,(lasanod Online)- Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu walaac ka qabo ciidamada SSC..
oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka taageero ka helaya Dawladda KMG Somaliya.
" Waxayna SSC dioonayaan inay iska horkeenaan maamulada Puntland iyo Somaliland, xili ay maamulka Puntland sheegtay inay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis".
Ugu dambeyntii warka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaaraynayaan cid kasta oo ku lug leh inay qalalalaaso ka dhex abuurto labada maamul ee deriska ah.
Warkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya saacado ka hor markii iska horimaad aan la’ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ciidamada SSC iyo maleeshiyada Somaliland.
http://www.gedonet.com/index.php?news=7270
Re: war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tuk
GacanSareeye
This fighting has been going on for the last couple of days, Puntland media just started reporting about it today. I don't know how they suddenly come into the picture. I'll wait and see for further developments.

- Knight of Wisdom
- SomaliNet Super
- Posts: 6609
- Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
- Location: Eiffel Tower
Re: war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tuk
We have to differentiate between the PEOPLE of Puntland and the Terrorist, Pirate-supporting Faroole Administration.
The Nur-Ahmed soldiers that are part of the Puntland Army in Tukaraq didn't partake in the fighting, nor did any Majeerteen, Warsangeli or any other clan.
Faroole and Abdisamad gave strict orders to not fire a single shot at the direction of Somaliland.
Their two clans will obey, but the other subclans of Dhulbahante won't.
Nalaaye Ahmed and half of Jamaac Siyaad, alongside with few Ugaasyaho are taking part of the war in South-Eastern Laascaanood.
The Nur-Ahmed soldiers that are part of the Puntland Army in Tukaraq didn't partake in the fighting, nor did any Majeerteen, Warsangeli or any other clan.
Faroole and Abdisamad gave strict orders to not fire a single shot at the direction of Somaliland.

Nalaaye Ahmed and half of Jamaac Siyaad, alongside with few Ugaasyaho are taking part of the war in South-Eastern Laascaanood.

- abdalla11
- SomaliNet Super
- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tuk
It looks like the military build up PL was doing near LaasCanood bears its fruits
PL admin wants to secure the region once again because of the upcoming elections in August

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 411 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 15 Replies
- 2883 Views
-
Last post by AbdiCushite
-
- 50 Replies
- 6201 Views
-
Last post by Adali
-
- 50 Replies
- 5399 Views
-
Last post by mahoka
-
- 0 Replies
- 406 Views
-
Last post by Bermooda
-
- 28 Replies
- 3337 Views
-
Last post by mody21
-
- 4 Replies
- 1450 Views
-
Last post by xisaabiye1
-
- 1 Replies
- 460 Views
-
Last post by FBISOMALIA