Kaluumeysatada Degmada Bander-beyla Oo Ka Cabanaya Maraakiib

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Kaluumeysatada Degmada Bander-beyla Oo Ka Cabanaya Maraakiib

Post by FBISOMALIA »

Bander-beyla (RBC Radio):- Kaluumeysatada ku dhaqan degmada Bander-beyla ayaa cabasho ka muujinaya maraakiibta shisheeye ee ku soo xirta xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo jariif ba’an ku haya kheyraadka badda sida kaluunka iyo waxyaabaha kale ee la manaafacaadsado.

Qaar ka mid ah kaluumeysatada degmada Bander beyla oo warbaahinta qeybeheeda kala duwan la hadley ayaa shaaca ka qaadey in xeebaha degmadaasi ay soo dhoobteen maraakiib shisheeye kuwaasi oo boob xoog leh ku haya kheyraadka badda isla markaana aan sharci u heysan in ay ka kaluumeystaan xeebaha Puntland.

Dhalinyarada kaluunka kala soo baxda xeebta degmada Bander-beyla ayaa waxay sidoo kale sheegeen in ay jirto in maraakiibtaasi shisheeye oo hubeysan ay gebi ahaanba diideen in kaluumeysatada Soomaaliyeed ay badda gudaha u galaan oo ay soo kaluumeystaan, waxayna mararka qaar sameeyeen rasaas ay ku furaan kaluumeysatada.

Cabashada ka soo yeeraysa kaluumeysatada degmada Bander beyla ayaa ilaa iyo haatan aysan wax jawaab ah ka bixin Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland, iyadoo ay jiraan degmooyin sidaasi oo kale kaluumeysatada ku dhaqan ay ka cabanayaan maraakiib shisheeye.

RBC Radio.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”