Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ciidamada Puntland ee fariisimaha ku leh deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool inay maanta gacanta ku dhigeen sarkaal katirsan maamulka Somaliland oo lagu magacaabo Cabdikariin Yaasin Mire..
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Mr Mire uu watay gaari nooca raaxada ah oo loo yaqaano Surf iyadoo uu ku wehliyay socdaalkiisa askari hubaysan ,kaasi oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kadib markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen uu qirtay inuu katirsan yahay maamulka Somaliland islamarkaana uu ka yimid magaalada Laascaanood.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in sarkaalka oo ahaa Colonel uu ku xiranyahay magaalada Garoowe islamarkaana ay ku socoto baaris.
Dhinaca kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu walaac ka qabo ciimada SSC oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka taageero ka helaya Dowladda KMG Somaliya,islamarkaana doonaya inuu iska horkeeno maamulada Puntland iyo Somaliland,xili ay Dowladda Puntland sheegtay inay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis.
Ugu dambeyntii warka ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaaraynayso cid kasta oo ku lug leh inay qalalalaaso ka dhex abuurto labada maamul islamarkaana keeni karta inay fursad u noqoto xarakada Al-Shabaab.
Warka ka soo baxay Dowladda Puntland ayaa ku soo beegmaya saacado ka hor markii iska horimaad aan la’ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay uu ku dhexmaray deegaanaka Tukaraq ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Faahfaahin ku saabsan khasaarihii ka dhashay dagaalkii maanta waxaan idiin soo gudbin doonaa daqiiqado kadib
Horseed Media
siiiland sarkaal in puntland hands
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 238 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 610 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 11 Replies
- 1362 Views
-
Last post by AwRastaale
-
- 17 Replies
- 1149 Views
-
Last post by Kismaayo21
-
- 2 Replies
- 1008 Views
-
Last post by DacasBiyo
-
- 78 Replies
- 4065 Views
-
Last post by Nacaas77
-
- 28 Replies
- 1476 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 34 Replies
- 2145 Views
-
Last post by ina aadan