Wararkii ugu dambeeyeey ee dagaalkii ka dhacay deegaanka Gambara ee ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Ismaamulka Soomaliland ayaa la sheegay in uu khaasaare wayn gasytay dagaalkaasi, ka ddib markii dhaawacyo kala duwan la soo gaarsiiyey Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe sida ay noo xaqiijiyeen maamulka Isbitaalka oo aan xiriir la samaynay.
Ilaa iyo inta la ogyahay waxaa isbitaalka magaalada Garoowe la soo gaarsiiyey 4 Askari oo ku soo dhaawacmay dagaalkii maanta ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo ismaamulka isku magacaabay soomaliland deegaanka Gambara ee duleedka magaalada Laascaanood ee xarrunta Gobalka Sool.
Dhaawacyadaan ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee Magaalada Garoowe, halkaas oo si wayn loo adkeeyey amaankiisa balse waxaa xusid mudan in dad waynuhu ay si wayn u hadal hayaan dagaalka ka soo cusboonaaday Gobalka Sool.
Dagaalkaan oo ahaa mid socday ilaa sadexdii subaxnimo ilaa iyo makhribkii galabta balse aan la ogayn khaasaarada dhabta ah ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamayey bale waxaa dhanka Dowlada Puntland ay sheegatay in ay iska caabiyeen ciimadadii soomaliland ee soo weeraray goobaha ay fadhiyaan ciidamada Puntland sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar oo u waramayey warbaahinta Puntland.
Wixii ka soo kordha dagaalkaas waxaad dib uga daalacan doontaan warbaahiyaha Puntlandpost.
Dhaawac la soo gaarsiiyey Caasimada Puntland ee Garoowe
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 310 Views
-
Last post by NoAngst.
-
- 2 Replies
- 585 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 404 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 8 Replies
- 694 Views
-
Last post by Nolol cusub
-
- 8 Replies
- 1341 Views
-
Last post by Cinque Mtume
-
- 1 Replies
- 481 Views
-
Last post by jamols2
-
- 1 Replies
- 978 Views
-
Last post by HusseinHassan
-
- 24 Replies
- 2173 Views
-
Last post by halfoshalfom-614
-
- 10 Replies
- 1035 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 10 Replies
- 1047 Views
-
Last post by Somaliman%