puntland increase military stand in sool
Posted: Tue May 31, 2011 2:57 pm
Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa barqanimada Maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa meelo hoosyimaada Ganbara & Tukaraq oo kawada tirsan gobolka Sool ee Puntland halkaas oo ay shalay ka dheceen dagaalo culus oo u dhexeeya ciidamo ka kala tirsan Puntland & Somaliland kuwaas oo xalay maqribkii isla tagay deegaanka Ganbara ee gobolka Sool oo ku dhow magaalada Laascaanood halkaas oo la geeyey ciidanka Somaliland oo markii hore qabsaday Tukaraq.
Dhaqdhaqaaqyadan ciidan waxaa qeyb ka ah gurmadyo xoogleh oo ka yimid meelo kamid ah gobolada Puntland gaar ahaana tuka Sugurre oo katirsna Galgala halkaas oo ay ka yimaadeen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland oo dhawaanahanba kusugnaa halkaas oo ay kula dagaalamayeen malayshiyaadka uu hogaamiyo Maxamed Siciid Atam oo Puntland ku eedaysay inuu xiriir la leeyahay Alshabaab & Somaliland.
Ciidankan ka yimid togga sugurre oo xalay saq dhexe ilaa saaka waaberigii ka gudbay tukaraq waxaa horkacayey Abaanduulaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland Gol.Goranyo Cowl waxaana kamid ahaa saraakiil caan ku ah jiidaha dagaalka & ka qeybgalka dagaalada guulaha dhaliya ee dhulka Puntland lagu difaacayo.
Sidoo kalena Somaliland ayaa saaka iyana aaga Gambare ka wada dhaqdhaqaaq xoogleh, Waxaana saaka xiran isku socodkii ganacsiga,Gaadiidka & dadka ee Somaliland & Puntland oo ahaa mid joogto ahaa, waxaana jira dad ku xaniban magaalada Laascaanood oo ay Somaliland ka hor istaagtay inay u gudbaan dhanka Puntland, waxaana saacad kasta dhici kara dagaalo & hujuumyo dhinacyada dhexmara.
Wixii kasoo kordha aagaga dagaalka APL ayaa idiin balanqaadaysa inay idiin la socodsiiso.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland