

At his candidacy ceremony:
General Cadde Muuse

General Morgan

MP Casha Cabdulle

Nairobi(Puntlandi.com) Magaalada Nairobi waxaa lagusoo bandhigey Musharax Cusub oo u sharaxan jagada Madaxweynanimada Soomaaliya iyo Xisbi cusub oo wada socda, xaflad qado ah oo uu qabtey Musharuxu ayaa martida waxaa kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cade Muuse, Genarla Moorgan iyo Xildhibaano dhowr ah.
Musharaxa cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Maxamed Yaasiin xisbiga uu u sharaxan yaheyna Waxaa lagu magacaabaa JPP Justice, Peace & Progress (Xisbiga Cadaalada, Nabada iyo Horumarinta Soomaaliyeed), Musharaxaan oo ah Ganacsade wadaad ah ayaa sheegey inuu hadii la doorto uu Soomaaliya kasarayo mugdiga ay ku jirto, nabadna uu kusoo dabaalayo.



