Page 1 of 1

Mandeeq Yaa Maali Jireey.

Posted: Wed Jun 01, 2011 9:43 am
by Babygirl-
Alfanaan Jaamac Yare oo soosaaray Hees Cusub (Maandeeq (Yaa Maali Jirayeey)

Fanaanka Weyn Jaamac Dhoodi Cilmi Dhuto (Jaamac Yare) oo ah Fanaan laga wada yaqaan Aduunka oo dhan kana Soo Jeeda Deegaanda SSC ayaa soosaaray Hees Cusub oo Lamagacbaxday Maandeeq, Heestan Waxaa Sameeyay Abwaanka Da’da Yare ee reer SSC Suldaan ibraahim Cali Shire Waxa Gacanweyn ka Geystay Soosaarista Heestan Ururka Dhalinyarada SSC ee SUDO. Dhagaysi Wacan Heesta





Maandeeq (Yaa Maali Jirayeey)

Waa madi dadkaygii

Madi haba ahaadee

Midig weeye xoog badan

Waa madi dadkaygii

Madi haba ahaadee

Mintid weeye aan kicin

Daafaca midnimadiyo

Soomaali magaceed

Ka masuugi maynoo

Mawdka waw badheedhnee

Maydaganin Maandeeq

Waxes ay maraysaa

Yaa maali jirayeey

Waa madi dadkaygii

Madi haba ahaadee

Midig weeye xoog badan

Waa madi dadkaygii

Madi haba ahaadee

Mintid weeye aan kicin

Ciideena mudanee

La mataansan calankaan

Ku ilaalin muruqoo

Mawdka waw badheedhnee

Maydaganin maandeeq

Waxes ay maraysaa

Yaa maali jirayeey

Re: Mandeeq Yaa Maali Jireey.

Posted: Wed Jun 01, 2011 1:14 pm
by Knight of Wisdom
He needs to change whomever is doing his music music. :lol:

How come all of these Dhulbahante singers don't partake in the SSC celebrations? :?

Abdirisaq Dhagawayne
Jamaac Yare
Yusuf Yare
Hodan Ali Elmi Ciid
Abdirisaq SSC
Hassan Olol


Iyo many more....I just can't think of it now !

Re: Mandeeq Yaa Maali Jireey.

Posted: Wed Jun 01, 2011 3:20 pm
by Babygirl-
They did i seen their videos and songs some where, i will try to find them. :up:

Re: Mandeeq Yaa Maali Jireey.

Posted: Wed Jun 01, 2011 3:30 pm
by Knight of Wisdom
Babygirl- wrote:They did i seen their videos and songs some where, i will try to find them. :up:
Hodan Ali Elmi Ciid got a gooooood voice. Gabadhu wa reer Taleex. :up:

Re: Mandeeq Yaa Maali Jireey.

Posted: Thu Jun 02, 2011 3:31 pm
by ShirShoore7
Knight of Wisdom wrote:
Babygirl- wrote:They did i seen their videos and songs some where, i will try to find them. :up:
Hodan Ali Elmi Ciid got a gooooood voice. Gabadhu wa reer Taleex. :up:
She's not reer Cilmi Ciid.