
Gaalkacyo (RBC Radio):- Xaflad balaaran oo ka dhacdey gudaha Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo tan iyo intii la soo magacaabay.
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke, Gudoomiye xigeenka Guddiga Mudane Daahir Maxamuud Muuse, Xoghayaha Dowladda Hoose Axmed Xasan Aadan iyo dhamaan Saraakiisha iyo Shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.
Xaflada ayaa waxaa soo xaadirey shaqaalaha dowladda hoose qeybahooda kala duwan oo si heer sare ugu soo lebistay dharkii lagu yaqaaney shaqaalaha dowladda hoose qeybtooda canshuurta qaada iyo kuwa ka shaqeeya nadaafada iyo hagaajinta bilicda, kuwaasi oo aan horey lebiska noocaasi ah u heysan.
Shaqaalaha qaada canshuuraadka ee ka tirsan dowladda hoose ayaa markii hore ku shaqeyn jiray lebiska ciidanka ee Tuutaha loo yaqaan haatanse waxaa loo xiray lebiskii ku haboonaa ee ay ka muuqato astaanta dowladda hoose, waxaana sidoo kale lebis qurxoon loo xiray dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya hagaajinta bilicda iyo nadaafada.
Gudoomiye xigeenka Guddiga Amniga & Horumarka G/mudug Mudane Daahir Maxamud
Gudoomiye xigeenka Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Daahir Maxamuud Muuse ayaa waxaa uu ka hadley munaasabada wuxuuna ka waramay waxqabadka dhabta ah ee maamulku ka sameeyay magaalada Gaalkacyo tan iyo intii la soo magacaabay mudo bil ka hor.
Mudane Daahir waxaa uu sheegay in ay wax ka qabteen biyaha wasakhda ah ee dariiqyada fariista, isla markaana ay fureen biya booliyadii oo ay ku shubeen biyihii fariisan jirey wadooyinka, wuxuu sidoo kale sheegay in nadaafada wax badan ay ka qabteen gaar ahaan in si xowli ah magaalada qashinka looga daabulay isla markaana ay soo iibiyeen gaari cusub oo nadaafada ka qeyb qaata.

Sidoo kale wuxuu Gudoomiye xigeenku sheegay in ay dayactir balaaran ku sameeyeen Taliska Qeybta Booliska G/mudug, Xabsiga dhex ee magaalada oo koronto la galiyey, Saldhigyada ciidanka oo iyaguna dib loo hagaajinayo iyo dib u habeyn guud oo lagu sameeyay ciidamada dowladda hoose, madaniga iyo kuwa Booliska.
Xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo Axmed Xasan Aadan ayaa ka mahad celiyay sida Guddiga Amniga Gobolka Mudug ay u wadaan shaqooyinka ku saabsan horumarka Gobolka Mudug, wuxuuna intaa ku daray in dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo iyo shaqaalaheed ay diyaar u yihiin in ay shaqeeyaan har iyo habeen maadaama ay ka shaqeynayaan horumarka iyo amniga Gaalkacyo.