daraawiishta iyo kuwa booliska gobolka Sanaag u liitaan

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

daraawiishta iyo kuwa booliska gobolka Sanaag u liitaan

Post by FBISOMALIA »

“Tayada iyo tirrada ciidanka daraawiishta iyo kuwa booliska gobolka Sanaag aad bay u liitaan” Taliyaha ciidanka bilayka ee gobolka Sanaag.

Badhan, June 03 - Taliyaha ciidanka bilayska ee qaybta gobolka Sanaag Gaashaanle Cawil C/raxmaan Guuleed ayaa dhaliilay tayada iyo tirrada ciidanka daraawiishta iyo kuwa booliska ee gobolka Sanaag.

Ciidanka ayaa in dhawaale ku jiray heegan buuxa, isla markaana fuliyey hawl-galo balaaran oo ku aadan ururinta canshuuraadka gobolka iyo adkaynta amniga gobolka Sanaag.

Gaashaanle Cawil oo u waramay idaacada Daljir ayaa sidoo kale ka hadley hawl-galo baaxad leh oo shaley ilaa maanta ay sameeyeen ciidanka ammaanka gobolku, kuwaasoo salka ku haya rabshado iyo iska-horimaadyo u dhaxeeya qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadaha magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Gaashaanle Cawil waxaa kale oo uu sheegay in ay saldhiga dhexe ee Badhan xiligaan ay ku xireen dad kor u dhaafaya 46 qof oo uu sheegey in barri la soo taagi doono maxkamad si loo xukumo.

Taliye Cawil ayaa maamulka Puntland ugu baaqeyn in ay il gaar ah ku eegaan xaalada gobolka Sanaag, waxaana sidoo kale uu sheegey in shirka barrito ka furmi doona xarunta gobolka looga hadli doono arimo ay ka mid tahay xaalada ammaan ee gobolka Sanaag.

Maxamed C/laahi Cali "Kooshin"
Daljir Garowe.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”