Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo dad loo soo qabtay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo dad loo soo qabtay

Post by FBISOMALIA »

Saraakiil katirsan ciidmada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ka badbaaday qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo u muuqday in lagu bartilaameedsanayay gaadiid ay saarnaayeen xilli ay marayeen xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Cabdirashiid Cadceed Gelle oo qaraxa markii uu dhacay kadib la hadlay Horseed Media ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda,taasi uu sheegay in la doonayay in lala bartilmaameedsado saraakiisha amniga gobolka Mudug oo uu ka mid ahaa taliyihii hore ee qaybta booliska gobolka Mudug Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Xasaasi)

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ay sameeyeen howlgal balaaran oo lagu soo qab qabtay dad lagu eedeynayo inay ka dambeeyeen qaraxa,waxaana uu sheegay taliyaha in dadkaasi ay ku socoto baaritaan islamarkaana wixii ka soo baxa baaritaankooda ay goor dambe sheegi doonaan.

Mar Horseed Media ay waydiisay tirada dadka loo soo qabtay qaraxan ayaa waxaa uu diiday in si rasmi ah uu u sheego tirada,waxaana uu sheegay inay ciidamada amaanka ee magaalada gaalkacyo ay wali howlgalo ka wadaan magaalada Gaalkacyo kaasi uu sheegay in lagu sugayo amaanka.

“ma jirto balaayada cid aan ku eedeyn karno waayo hadii aan ogaan lahayn gabalka nooguma dhacayn”ayuu yiri taliyaha oo ka jawaabayay inay cida ay la xiriirinayaan falkan qaraxa ah ee maanta ka dhacay magaalada Gaalkac yo.

Qaraxan oo aan geysan wax khasaaro ah ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay uu soo wanaagsanayay amaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,kadib falal amni daro oo horay uga dhacay magaalada.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”