


If this is true, what Boocame.com is broadcasting, then I will view Puntland (the administration and the people) as enemies and as the same level as Somaliland.
Puntland oo Ku amartay Col Sabarey iyo Ciidamada SSC in ay Jiida hore ee Tukaraq kaka baxaan 48 saacadood Waa Maxay Sababtu?
Maamulada Puntland iyo Somaliland ee u hashiiyay Shacabka iyo Deegaanka SSC Shir ay yeesheen ayaa lagusoo waramaya in maamulka puntland uu ka raaligeliyey Somaliland khasaarihii kasoo gaadhay dagaalkii ay lagaleen Ciidamada SSC iyaga oo usheegay in Koox fidnawadayaal ah oo rabta in ay isku dirto puntland iyo Somailand kadanbeeyeen Dagaalkaas.
Maamulka Puntland ayaa Maamulka Somaliland ku qanciyey in ay iyagu kasaarayaan Ciidmada SSC Jiida Hore iyaguna ay ku noqdaan Fariisamahooda iyagoo taasna uu maamulka ceeb-aanyo uu aqbalay.
intaas kadib waxaa magaalada tukaraq loosodiray Ciidamo, salaadiin iyo Wasiiro Punbtland ah Kabacdina waxay shir la qaateen Col Cali Sabarey Shalay 02 June, Halkaas oo ay usheegeen Cali Sabarey iyo Ciidankiisa in ay iskaka baxaan Mudo 48 Saacadood ah Deegaanadan hadii kale ay weerari Doonaan.
Col Cali Sabarey ayaa Ganafka Kudhuftay una sheegay in uu deegaankiisa uu kusuganyahay kanabaxayn Kuna Dhimanayo Cidkasta oo isku daytana ay cawaaqib xubo kala kulmi doonaan, Hadaba Mudadii uu uqabtay maamulka Puntland in ay kaka Baxaan Deegaanadaas oo ay ka harsantahay hal maalin.
Col cali sabarey ayaa Xalay Howlo Shaqo u Aaday Deegaanada Howdka oo fariisn u ah Ciidamada Xaq udirirka SSC , Hadana Kusugan Magaalada Buuhoodle , lamana oga Sababaha uu Col Cali Sabarey ugu anbabaxay Deegaanada Hawdka .
Wixii Wararkaas kasoo gordhana dib ayaan idinka soo sheegi doonaa hadii eebe idmo