Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saaka wareysi siiyay Idaacada ku hadasha afka Dowladda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka, kaasoo ahaa in hadii doorasho ka dhici weyso uu dalka fowdo geli doono.
Mr Farmaajo ayaa sheegay in wax wanaagsan aanay aheyn in hadal mala awaal ah uu sheego Gudoomiyaha, isagoo sheegay in aan loo baahneyn in qof mas'uul ah uu hada quluubta wax u dhimi kara uu ku hadaaqo.
"Mala awaal wax wanaagsan ma ahan, aniga warkiisa ma dhageysan, hadalo noocaas inuu dhahay waa maqlay, laakiin Dowladda howsha ay heyso waa inay Xasiloonida soo celiso, cid fowdo sameyn karta ma jirto"ayuu si kulul u yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo.
Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in howlaha ay wadaan Ciidamada xooga dalka uu yahay mid meesha looga saarayo Al-Shabaab, isla markaana dalka looga xoreynayo, isagoo sheegay marka howl galkaas dhamaado waajibaadka Dowladda uu yahay inay sugto nabadgelyada.
"Cidii isku dayda inay wax qas sameyso waajibaad ayaa ka saaran Dowladda, nabadgelyada waa sugeynaa, dhibaatada waa garatay Soomaalida kumana noqoneyso"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlay shirkii Kooxda xiriirka Caalamiga ee ugu soo gaba gaboobay Magaalada Kampala, isagoo soo dhoweeyay hadalkii Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ee ahaa in hal sano loogu daro Dowladda, si ay ugu dhameyso.
Ra'iisul Wasaaraha oo si gaar ah uga hadlay hadalkii shalay uu ka jeediyay shirka Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ku tilmaamay in hadalka ka soo yeeray uu aad uga xun yahay, isla markaana ay haboon tahay in qof mas'uul ah uu ka hadlo wax wanaagsan oo dajin kara niyada iyo quluubta shacabka sida uu yiri.
Mar uu ka hadlay shirka bisha June ka dhici doona Magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu yahay shri ay hormuud ka noqoneyso Xukuumada, isla markaana aanu aheyn shir afar Group ama koox gaar ah dhex mari doono, hase ahaatee uu shirkaas yahay mid shacabka Soomaaliyed ay u wada dhan yihiin.
"Shirka Bisha June waxaa hormuud ka ah Xukuumada, waxaan ku casuumeynaa inay ka qeyb qaataan Baarlamaanka, ma ahan shir gaar ah oo meel ay isugu tageyso afar Group, cidna gaar u aheyn shacabka Soomaaliyed dhinac kasta ayay kaga soo qeyb geli karaan, waa shir mustaqbalka wax Soomaaliya xal u noqon kara uu ka soo bixi doonaa"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo magac dhabay in aanu shrika gaar u aheyn sida Maamulada, Galmudug, Puntland, Ahlusuna iyo Dowladda.
Hadalka ka soo yeeray Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli Xukuumada ay dadaal ugu jirto sidii Caasimada Muqdisho iyo Gobolada dalka ay dagaal ugala wareegi laheyd Al-Shabaab, iyadoo haatan Muqdisho ka socdaan dagaalo ay wadaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.
The next step is gacan kahadal between the two shariifs in one of villa somalia rooms, while farmaajo is punching sakiin on the back.
Tensions escalate between tfgleaders
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- SomaliNet Super
- Posts: 10442
- Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
- Location: singapore
Re: Tensions escalate between tfgleaders
They should play first one to take their kofi off and throw a punch. My money would be on sheikh shariff



Re: Tensions escalate between tfgleaders
russian roulette can do the trick...
- Cirwaaq
- SomaliNet Super
- Posts: 6472
- Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
- Location: Event Horizon periphery... HIILumination
Re: Tensions escalate between tfgleaders
Tensions require funds to massage. Tensions generate a shift of focus from those throwing tantrums, the tensions are themselves the delivery vehicles that will take the TFG past their terms end.
Sakin has no reason to fight to make himself unemployed nor does Dalxiis, neither is that conceited at face value.
There is no greater motivator then self preservation.
Tension can become beneficial to both if they cooperate to orchastrate Cause and Effect. Perhabs i give them too much credit.
Sakin has no reason to fight to make himself unemployed nor does Dalxiis, neither is that conceited at face value.
There is no greater motivator then self preservation.
Tension can become beneficial to both if they cooperate to orchastrate Cause and Effect. Perhabs i give them too much credit.
- ciyaal_warta
- SomaliNet Super
- Posts: 9629
- Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
- Location: Hiiraan State of Somalia
Re: Tensions escalate between tfgleaders
Sh.Dalxiiiiiiiin and Farmaaaaaaaaaajo





-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 22 Replies
- 1673 Views
-
Last post by Colonel
-
- 15 Replies
- 3041 Views
-
Last post by luis1
-
- 1 Replies
- 541 Views
-
Last post by xaliye123
-
- 18 Replies
- 2035 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 12 Replies
- 935 Views
-
Last post by Caga Dhiig
-
- 10 Replies
- 1014 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 291 Views
-
Last post by Baller69
-
- 25 Replies
- 3551 Views
-
Last post by Nubis
-
- 0 Replies
- 358 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 1 Replies
- 526 Views
-
Last post by Daleys