Wala jabay TFG iyo AMISOM (Daawo)

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Wala jabay TFG iyo AMISOM (Daawo)

Post by grandpakhalif »

Image
Image
Image

qaboobay iyo Taankiyada ciidamada shisheeye oo ku gubanaya aagagga dagaaalka degmadaasi.
01,Rajab 1432, 03,June,2011.
Ka dib dagaal qaatay in ka badan 6 saacadood oo xiriir ah kaasi oo ciidamada Xarakada Mujaahidinta Alshabaab iyo kuwa shisheeye ku dhexmaraya aagagga dagaalka ee degamada Boondheere ayaa la soo sheegayaa in dagaalkaasi hadda u muuqdo mid yara qaboobay wallow ay jiraan rasaas iyo madaafiic ay is waydaarsanayaan labada ciidan oo weli halkaasi laga maqlayo.


Dagaalka oo ahaa mid aad u qaraar islamarkaana aan waxba la isku reeban ayaa daba socda dagaal Mujaahidiintu xalay kula wareegeen fariismiyaal ciidamada shisheeye ee Burundi kaga sugnaayeen degmada Boondheere.


Waxaana aroornimadii saakay halkaasi guluf xoogan ku soo qaaday ciidamada shisheeye ee Uganda iyo Burundi oo wata gaadiidka gaashaan iyo Taankiyada oo kor u dhaafaya 15, waxaana halkaasi ka qarxay mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraaraa oo soo mara Boondheere intii ay isku hor fadhiyeen Mujaahidiinta iyo Shisheeyaha.


Ciidamada shisheeye ayaa oo hadafkoodu ahaa inay horumar la taaban karo ka sameeyaan dagaalka islamarkaan dib ugu soo ceshadaan goobihii xalay lagala wareegay ayaa bilaabay inay madaafiicda goobta iyo Taankiyada ku baacsadaan Mujaahidiinta.


Hase ahaatee arintaasi ayaa noqotay hal bacaad lagu lisay ka dib markii dhismayaasha dhaadheer ee degmadaasi iyo goobaha Istraatiijiga ah ay isku fidiyeen Guutooyinka la dagaalama taankiyada iyo Shiishyahanno beer adag.


Waxaan durba Dabin loo maleegay ku soo dhacay Taankiyada shisheeyaha xilligaasi oo taladu farahood ka baxday ka dib markii ay wax gurmad ah ka heli waayeen ciidamadii lugta kuwaasi oo ay hal hal u tooganayeen guutooyinka Shiishhannada Mujaahidiinta oo iyagu xilweyn isa saaray, halka Taankiyadiina ay kaliyeysteen Guutooyinka Gantaalaha iyo Banbaanooyinka ku shixnadan ee ugaarsada gaadiidka gaashaaman.

Taasi oo keentay in durba Mujaahidiintu ay halkaasi ku qarxiyaan laba ka mid ah Taankiyada shisheeye iyo sidoo kale gaadiidka CAGAF CAGAFYADA ee gaashaaman halka ilaa iyo hadda mid kalena uu ku go`doonsanyahay bohol ay Mujaahidiintu u shaqleen!


Isku soo wada duube xaaladda oo ah mid iminka yara degan ma jiraan wax horumar ah oo shisheeyuhu ka sameeyeen dagaalkamarka laga reebo inay daraaziin ciidamo ah iyo Taankiyadooda dagaalka ku waayeen Jaxiimada Boondheere oo ah goob ay ku halaagsameen shisheeye duulaanka ka wada magaalada Muqdisho.


Wixii wararka dagaaladaasi ku soo kordha Insha`allaah kala soco Radioalfurqaan.com



:clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:
User avatar
Kukri
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6571
Joined: Thu Oct 02, 2008 8:21 am
Location: Jigjiga

Re: Wala jabay TFG iyo AMISOM (Daawo)

Post by Kukri »

Image
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Wala jabay TFG iyo AMISOM (Daawo)

Post by grandpakhalif »

Sick of this seccesionist faggot following me around like a lost poodle. :arrow:
User avatar
Kukri
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6571
Joined: Thu Oct 02, 2008 8:21 am
Location: Jigjiga

Re: Wala jabay TFG iyo AMISOM (Daawo)

Post by Kukri »

Image
User avatar
ciyaal_warta
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9629
Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
Location: Hiiraan State of Somalia

Re: Wala jabay TFG iyo AMISOM (Daawo)

Post by ciyaal_warta »

Kukri wrote:Image
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”