Maleeshiyaad Ka Tagey Galmudug Oo Dad puntland Ku Laayey

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Maleeshiyaad Ka Tagey Galmudug Oo Dad puntland Ku Laayey

Post by FBISOMALIA »

Gaalkacyo (RBC Radio):- 11 ruux ayaa geeriyootey 13 kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo ka tagey deegaanada Galmudug ay gaari rakaab ah ku rasaaseeyeen duleedka deegaanka Balibusle ee gobolka Mudug.

Dadka geeriyoodey iyo kuwa la dhaawacay ayaa waxay ahaayeen dhamaantood dadkii saarnaa gaari rakaab ah oo ka tagey magaalada Gaalkacyo kuna sii jeeday degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Maleeshiyaadka ka tagey deegaanka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in ay gaariga u galeen jidka gaar ahaan duleedka deegaanka Balibusle, waxaana wararku intaa ku darayaan in gaariga ay ku dhifteen qoriga Baasuukaha loo yaqaan halkaasi oo uu ka dhashay khasaaraha dhimasho ee 11 ruux iyo dhaawaca 13 kale.

Dadka geeriyoodey ayaa u badan haween iyo caruur, waxaana ku jira dadka geeriyoodey hooyo iyo cunugeed oo dhowaan ay dhashay, waxaana gurmad caafimaad oo deg deg ah u fidiyey Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug, waxaana loo diray gaadiidka gurmadka deg dega ah oo soo daad gureeyay dhaawaca iyo dhimashada.

Ma aha markii u horeysay oo maleeshiyaad ka soo talaabay deegaanada Galmudug ay jidka u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Jariiban wax ku dhibaateeyaan, waxaana arintani ay ku soo beegmaysaa xilli maalmo ka hor xoolo dhaqato reer Puntland ah ay maleeshiyaadka Galmudug ku dileen duleedka deegaanka Godod.

RBC Radi0.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Maleeshiyaad Ka Tagey Galmudug Oo Dad puntland Ku Laayey

Post by FBISOMALIA »

Galkacyo(Puntlandi.com);- Ciidamo xoogan iyo saraakiil horkacaya ayaa gaaray deegaankii ay weerarka ku soo qaadeen maleeshiyaadka koonfurta Galkacyo .


Kooxahii weerarka ku soo qaaday dadka rayidkaa ayaa baadigoob xoogan lagu hayaa waxaana lagu soo waramayaa in lagu hareeraysanyahay goobo lagu tuhmayo in ay ku suganyihiin.

Ciidamada deegaanka Balibusle iyo dhulka ku xeeran ayaa dhinacooda samaynaya dadaal xoogan oo ay ku doonayaan in nolol ku soo qabteen maleeshiyaadkaa xasuuqa gaystay.

Waxaa laxaqijiiyay in maleeshiyaadku wateen laba gaari gabaldhicii shalayna ay iska abaabuleen koonfurta magalada Galkacyo waxaana wararka qaaar ay sheegayaan in ujeedadoodu ahayd in ay waxyeelo ugaystaan shacabka Balibusle balse laga warhelay taa badalkeeda ay rasaas culus ku fureen gaariga rakaabka ah.

Dhacdadan ayaa ah tii labaad ee maalmihii udanbeeyay ay gaystaan maleeshiyaadka koonfurta Galkacyo waxaana sidan oo kale ay sibareeera udileen oday dadka deegaanka aaga Godod.

Xaajada haatan waxaa ay gaartay meel aan indhaha laga dadankarin waxaana sii kordhaya qorshayaasha maleegan hadana guracan ee isdabayaal ee ay gaysanayaan maleeshiyaadka ku sugan koonfurta Galkacyo.

Puntlandi.com Galkacyo
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Maleeshiyaad Ka Tagey Galmudug Oo Dad puntland Ku Laayey

Post by FBISOMALIA »

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Wafti balaaran oo uu horkacayo gudoomiyaha gudiga hormarinta & amaanka ee gobolka Mudug ayaa xalay si deg deg ah u tagay tuulad Bali-Busle ee gobolka Mudug halkaas oo xalay fiidnimadii malayshiyo kasoo jeeeda koonfurta magaalada Gaalkacyo ay ku xasuuqday gaari ay dad shacab ahi saarnaayeen oo ay khasaaro badani ay ka dhalatay, waxaana ay waftigani si deg deg ah uga qeybgaleen gurmadkii loo fidiyey dadkaas.

Gudoomiyaha gudiga hormarinta & amaanka ee gobolka Mudug Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke oo ay la socdeen saraakiil dhanka amaanka ah waxaa sidoo kale la socday gaadiidka gurmadka degdega ah & shaqaalaha caafimaadka ee gobolka Mudug, waxaana ay soo daabuleen dhaawacyadii ka dhashay weerarkaas iyagoo sidoo kalena ka qeybgalay qaadistii meydadkuu xasuuqaas ku le’day.

Saraakiil safarka ku wehelisay gudoomiyaha ayaa APL u sheegtay in uu gudoomiyuhu ka tacsiyeeyey weerarkaas oo ahaa mid murugo leh, waxaana ay isla saaka waaberigiii waftigu kusoo laabteen magaalada Gaalkacyo iyagoo dadka deegaankana ugu baaqay in ay degenaan muujiyaan islamarkaasna aysan ka ficiloon xasuuqa dhacay oo ahaa mid aan loo meeldayin rakaab saarnaa gaari basaska yaryar ah oo ay ku jireen hooyooyin & caruur aanan qaarkood Halsano u buuxsamin.

Mr.Cuuke wuxuu noqday mas’uulkii ugu darajada sareeyey ee abid ka jawaaba gargaar lala gaarayo dad shacab ah oo la xasuuqay,waxaana Gudoomiyaha galbinayey gaadiidka dagaalka & ciidamo katirsan kuwa maamulka ee gobolka Mudug oo sugayey amaanka goobta dhibaatadu ka dhacday oo uu gudoomiyuhu booqday,waxaana uu ekaaday in uu dareenkiisa siiyey shacabkaas dhibaatoobay,iyadoo aysna tilaabadan oo ah mid ay ku jirto danqasho shacbiyeed ayna caan ku ahayn madaxdii isaga ka horaysay oo canbaareyn afka ah jeedin jirtay, waxaana ay tani noqonaysaa dhibaatadii ugu xooga badnayd ee shacabka soo gaarta tan & markii maamulka cusub la magacaabay mudo bil & maalmo ah iyadoo ay xusid mudantahay in digreetadii lagusoo magacaabay gudiga uu Cuuke madaxda u yahay lagu amray inay ka shaqeeyaan isku xirka bulshada labada dhinac ee gobolka Mudug oo ay dhibaatooyin muuqda u dhexeeyaan.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”