Page 1 of 1

Pontuland militia arrest journalist from VOA

Posted: Wed Jun 08, 2011 8:19 am
by AhlulbaytSoldier
Ciidamada Ammaanka Pont Land Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Ka Tirsanaa Idaacadda VOAda.





DHM-NEWS:-Ciidamada ammaanka maamul goobleedka pont land ee magaalada Boosaaso ayaa manta xabsiga u taxaabay Wariye Nuux Warsame Bir Jeeb.

Wriyahan oo u shaqeynyay Idaacadda VOAda ayaa la sheegey in markii xabsiga loo taxaabayay uu ku sugnaa gudaha magaalada Boosaaso.

In kastoo faah faahin dheeraad ah ayan bixin ciidamada amaanka ayaa hadana sarkaal ka tirsan Ciidamada oo hadal gaaban siiyay war baahinta waxaa uu xaqiijiyay xiritaanka Wariyahan ka tirsanaa Idaacadda Codka Maraykanka.

Sarkaalkan u hadlay Ciidamada ammanka ayaa sheegey in Wariye Bir Jeeb lagu haysto hadalo aan xaqiiqa ahayan ee uu maamulka ka diray sababta haatan loo qabtayana ay tahay in wax laga weeydiiyo hadaladaas.

Ugu danabyntii ayuu sarkalkaasi sheegey in iminka ay soconayaan Baaritaano lagu hayo wariyahaas oo xabsiga ku xiran wixii natiija ah ee ka soo baxana la soo ban dhigi doono goorta ay haboonaato waa sida uu hadalka u dhigaye.


M ha markii u horeeyay oo wariyaal maxali ah ama Idaacadaha dibadda ah lagu xiro maamulkaas la magic bacxay Pont Land.

Si kastaba Wariyahan ayaa Gobolada Bari ee Soomaaliya wakiil wareed uga ahaa Idaacadda Maraykanka ee la yiraahdo VOA.