Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Mudug Oo Xabsiga La dhigay
Posted: Wed Jun 08, 2011 9:45 pm
Garowe ( RBC Radi0) Ciidama amaanka Magalada Garowe ee Caasimada Puntland Ayaa Xabsiga Dhigay Gudoomiyihii Hore Gobolka Mudug Daahir Aflow.
Xarigaani ayaa dhacay Maanta Galinkii Hore waxaana wararka ka imaanaya Garowe ay Sheegayaan in Masuulkani Hore Lagu Wargaliyay in uu si deg deg ah ku yimaado Saldhiga Booliska Magalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Warar kale oo ka soo baxaya Garowe ayaa sheegaya in ay xariga masuulkani ka danbeyen ciidamda madaxtoyada Puntland ee magalada Garowe.
Xiliga la xirayay ayaa Waxaa sidoo kale La socday Wariye ka tirsan idacada Codka Mareykanka, hase ahaate daqiiqado ka dib ayaa la sii daayay wariyahaasi.
Xariga daahir ayaa waxaa uu imanayaa xili dhawaan uu Wareysi siiyay laanta afka somaliga ee idaacada codka mareykanka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay soona dhaweynayo wakhti kordhinta DKMG somalia ee Halka sano Loogu daray.
Ma jirto Masuul ka tirsan Puntland oo ka hadlay xariga Daahir C/qaadir Aflow Oo Xilka gudoomiyaha Gobolka mudug ka soo Noqday Wakhtigii Dawladii Maxmuud Muuse Cadde.
RBC Radio