TFG sends national tacsi for Ugas Omar Ugas Hirsi
Posted: Thu Jun 09, 2011 6:05 am
Dowladda Kmg ee Soomaaliya oo Ummada Soomaaliyeed u direysa tacsi qaran
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun,
Muqdisho, Khamiis, 09 June 2011: Dowladda Federalka KMG ah ee Somalia waxey tacsi naxdin iyo tiiraanyo leh u direysaa dhammaan shacabka soomaaliyeed, eheladii iyo reerkii uu ka geeriyooday Ugas Cumar Ugas Hirsi Ugas Maxamed oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi oo uu in muddo ahba ku jirey cisbitaal.
Geeridu waa xaq, qof walbana waqtigiisa EEBBE baa qoray. Sidaas daraaddeed, waxaan dhammaan reerkii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka u direynaa tacsi qaran in Ugas Cumar uu EEBBE janadii ka waraabiyo, dowladda, dhammaan shacabka soomaaliyeed, iyo gaar ahaan reerkii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan uu EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN.
Ugas Cumar waxuu ifka uga tagey 33 will iyo 21 gabdhood oo uu dhalay. Inta uu dhalay iyo inta ay sii dhaleen waxey kor u dhaafayaan 95.
Ugas Cumar Ugas Hirsi waxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo muujiyey hoggaan dhab ah, isla markaana lahaa karti iyo waayo aragnimo, oo uu waqtigiisa inta badan ku bixiyey maslaxad, dib-u-heshiisiin iyo sulux uu dhex dhigo ummadda Soomaaliyeed. Ugas Cumar waxuu ka tagey taariikh wanaagsan oo u baahan in la sii joogteeyo.
Ugu danbeyntii, waxaan ka codsaneynaa dhammaan shacabka soomaaliyeed inay u soo wada duceeyaan Ugas Cumar inuu EEBBE ka waraabiyo Janadii fardowsa, annagana uusan EEBBE na fidneynin gadaashiis. AAMIIN.