Libaaxyo la wareegay gacan ku heynta Diif iyo Gariley
Posted: Sat Jun 11, 2011 8:50 am
Libaaxyo dad iyo duunyo fara badan gaajo awgeed ugu cunay deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo
Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Wararka laga helayo deegaannada Diif iyo Gabiley oo ka tirsan gobollada Jubbada hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaliya ayaa sheegaya in libaaxyo baahan ay dad reer guuraa ah iyo duunyo fara badan ku dileen deegaannadaas.
Goobjoogayaal deegaannadaas ku sugan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in libaaxyadu ay ka yimaadeen deegaannada howdka ah, kuwaasoo gaajo iyo harraad ka dhashay abaaraha taagan uga soo baxay howdkii ay ku jireen.
"Waxaa deegaannada Diif iyo Gariley soo weeraray libaaxyo careysan, waxayna dileen lix qof oo ay ku jiraan lamaane, sidoo kalena xoolo fara badan ayay cuneen," ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka Diif ee gobolka Jubbada hoose.
Sidoo kale, wararku waxay intaas ku darayaan in libaaxyada baahan oo aad u fara badan ay xilliyada habeenkii ah weerarro joogto ah ku hayaan deegaanadaas oo ka mid ah deegaannada ay abaaraha ba'ani ku dhufteen.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira caruur ay libaaxyadu qaadeen markii ay weerar ku qaadeen qoysaskooda, iyadoo xoolo fara badan oo u haray dadka deeganadaas ku nool oo reer guuraa ahna ay dileen.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay weerarro noocan oo kale ah ku qaadaan dadka iyo duunyada ku nool deegaannada baadiyaha ee Koonfurta Soomaaliya xayawaano baahan oo ay ka mid yihiin libaaxyo, balse sannado ka hor ayay arrintan oo kale dhacday.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online