Page 1 of 2

TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 9:14 am
by HELWAA
Drs: waxaa qeybta bukaan socodka iigu yimid qof haweenay ah oo qiyaas ahaan 60 jir ah oo uu gacanta hayo wiil aan ku qiyaasay da’diisa 30 jir, waxaana ka dareemay in uu aad ugu dadaalayo,wuxuuna u toostoosinayey cabaayadeeda,wuxuuna siinayey biyo.

Markaan soo dhaweeyey waxaan weydiiyey waxaa ay ka cabanayso caafimaad ahaan, kadibna waxaan codsaday baaritaan dheeraad ah in lagu smaeeyo sida dhiig in laga qaado. Waxaan weydiiyey su’aal ka baxsan waxaa ay ka cabanayso, sababtoo ah caqligeeda ma miisaaneyn sida ay su’aalaha uga jawaabeysay ama u dhaqmaysay.

Wiilkii: Hooyaday caqli malahan oo miyirkeeda ma dhamma ilaa iyo maalintii ay dhalatay.

Drs: Yaa daryeelo?

Wiilkii: Aniga.

Drs: Maasha allaah, laakiinse yaaa daryeela nadaafadeeda,labiskeeda iyo qubeyskeeda.

Wiilkii: Aniga geeya musqusha ama suuliga, waxaan sidoo kale u diyaariyaa dharkeeda, cuntaan siiyaaa, wax walba oo ay u baahan tahayna aniga ayaa u soo iibiya.

Drs: Maxaad qof shaqaale ah ugu qaban weysay?

Wiilkii: Hooyadey waa maskiin sida caruurta oo kale, ma sheegan karto dhibkeeda, waxaan ka cabsanayaa in qofka shaqaalaha ah ay wax u dhibto.

Drs: waxaan la dhacay wiilkaan hadalkiisa iyo baarinimadiisa, waxaana ku dhahay xaas ma leedahay?.

Wiilkii: Haa Alxamdulilaah, caruurna waan leeyahay.

Drs: Xaaskaaga ma daryeeshaa hooyadaa?

Wiilkii: Waxba kama hagrato, cuntadey u karisaa weyna u geysaa. Waxaan u keenay xaaskeyga shaqaale si ay u caawiso, waxaanse ku dadaalaa in aan hooyaday cuntada la cuno, sababtoo ah hooyaday waxaa ay qabtaa cudurka Sonkorowga ama Macaanka.

Drs: Waxaa sii batey in aan ka helo sheekadiisa aniga oo ilinta iska celinayaa, waxaa aan fiiriyey cijiyaheeda, waxaan arkay in ay yihiin nadiif lana jaray oo waxaan ku iri cijiyaheeda ka waran?

Wiilkii: Anigaa u jara, sababtoo ah hooyaday waa maskiin.

Hooyadii: Hooyadii ayaa soo fiirisay wiilkeedi oo waxaa ay ku dhahday goorma ayaad ii soo gadaysaa Nacnac?

Wiilkii: Hooyo niyadaada qeyr u sheeg, waxaan ku geynayaa dukaanka.

Hooyadii: waxaay la dhacday farxad, waxaana ay ku tiri hada, hada miyaad i geynee?

Wiilkii: Walaahi aad baan ugu farxaa si ka badan sida aan ugu farxo ilmahayga yaryarka ah marka ay hooyaday faraxdo.

Drs: Waxaaan iska yeelyeelay sidii qof wax qoraya si aan loo dareemin dareenkayga, waxaan ku dhahay qof aan adiga ahayn ma dhalin miyaa?

Wiilkii: Aniga kaligey ayey i dhashay, aabahayna wuu furay bil kadib markii ay i dhashay.

Drs: Aabahaa ma ku soo koriyey?

Wiilkii: Maya, ayeyday ayaa i soo korisay hooyadeyna daryeeli jirtay, anigoo 10 jir ah ayey dhimatay ayeyday Allahaa u naxariistee.

Drs: Hooyadaa ma ku daryeeli jirtay markaad yareyd ama ma kula farxi jirtay markaad faraxdid misa kula murugoon jirtay markaad xanuunsatid

Wiilkii: Hooyaday waa maskiin anigoo 10 jir ah ilaa maanta anigaa daryeela.

Drs: Waxaan u qoray daawo, waxaana u sheegey sida loo qaato iyo xiliyada la kala qaato.

Wiilkii: Wuxuu qabsaday hooyadiis gacanteeda, wuxuuna dhahay ina keen hadaan aadaynaa dukaankee.

Hooyadii ayaaa ku jawaabtay Mako maan aadaynaa oo weyba ilowday nacnacii iyo dukaankii intaba.

Drs: Wey baxeen, waxaan soo xirtay albaabka xafiiskeyga, waxaan ku dhahay gabadhii ila shaqeynaysay ee kalkaalisada ahayd waxaan ku iri waxaan u baahanahay in aysan cidna ii soo galin. Waan ooyey oo waxaan ka ooyey qalbiga oo waxaan naftayda ku dhahay fiiri hooyadaa? Wiilkaan hooyadiis caloosha uunbey ku qaaday weyna dhashay oo kaliya, lama xanuunsan, lama ooyin, lama cabsan, habeen badan uma soo jeedin lama-lama-lama. Waxaas oo dhan iyo baarinimadiisa, waxaan soo xasuustay hooyaday waxaan isla barbar dhigay xaalkeyga iyo xaalkiisa, waxaan ka fikirey ilmaheyga ma ka heli doonaa rubac ka mid ah baarinimadiisa. Illintii ayaan iska tirey, waxaan dhammeystay maalinteydi shaqo, waxaan ku noqday gurigeygi, waxaana jecleystay in aad illa qeybsataan qisadaan.


:cry:

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 9:23 am
by Cumar-Labasuul
Beautiful story, it really makes you think about what we can do for our mothers. :|

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 9:38 am
by HELWAA
Cumar

Waalidka xaqiisa qof gudi kara ma jiro, caruurtadona sida waalidka ula dhaqmi jirtey bey kula dhaqmi.

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 10:06 am
by BlackVelvet
Touching story but it can't be true. Who marries/marries off a retard and more importantly why is he about to buy a diabetic sweets?

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 10:22 am
by afisoone
First of all you are not a doctor. Second you are damn lair subxanallah. :down: :down: :down: :down: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 10:31 am
by HELWAA
BlackVelvet wrote:Touching story but it can't be true. Who marries/marries off a retard and more importantly why is he about to buy a diabetic sweets?
Aduunkan wax kasta way dhacaan walaal, if it's true or not, Allaho aclam.Laakin it's a great reminder for all of us. :up:

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 12:11 pm
by waryaa
touching :up: i didnt know i was this emotional :!:

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 12:19 pm
by Mystic_Angel
A beautiful, very touching story about family, love and healing..thanks for sharing helwa..we will go to jannah through our mothers' feet... :up: alow hacadabin walidken..amen :heart:

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 12:23 pm
by HELWAA
Mystic_Angel wrote:A beautiful, very touching story about family, love and healing..thanks for sharing helwa..we will go to jannah through our mothers' feet... :up: alow hacadabin walidken..amen :heart:
Aamin walaalo.Ilaahy danbigoogna ha dhaafo :up:

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 12:30 pm
by ina aadan
Waa qiso cajiiba walee.

Aabahay baa wuxu na odhan jiray nasiib badnidiina ma ogidin.

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 1:01 pm
by Kukri
Helwaa Ilahay ka baq oo dadka aad ka oohineysid jooji :evil:

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 1:02 pm
by HELWAA
Kukri wrote:Helwaa Ilahay ka baq oo dadka aad ka oohineysid jooji :evil:
:?: :?

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 1:11 pm
by Kukri
You should have put warning on the tittle.

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 1:15 pm
by HELWAA
Kukri wrote:You should have put warning on the tittle.

ooh you cried..miskiin.I did too.Crying is good, it means waad calool jilicsan tahay :)

Re: TRUE STORY!

Posted: Sat Jun 11, 2011 1:18 pm
by Kukri
NO! It means hooyoo waa a miracle.