

Madaxii Al Qacida ee bariga Afrika oo la sheegay in lagu dilay Muqdish
Muqdisho: (Sh. M. Network) Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa si wadajir ah u sheegay in hogaamiyihii Al Qaacida ee bariga Afriga lagu dilay Todobaadkii la soo dhaafay magaalada Muqdisho.
Mathew Iteere oo ah madaxa ciidamada booliska ee dalka Kenya iyo saraakiil ka tirsan dowladda KMG ayaa sheegay in Fazul Cabdullah Muxammad oo ahaa madaxa ururka Alqaacida ee bariga Afrika ay ciidamadda dowladda arbacadii la soo dhaafay ay si lama filaan ah ay ugu dileen isgoyska Ex control Afgooye.
Fazul Abdullah, oo da’diisu aheyd 38, ayaa la rumeysanyahay in uu qorsheeyay qaraxyadii xoogganaa ee 1998 dii lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee ku kala yaalay Nairobi iyo Dares Salaam waxaana Mareykanka ay madaxiisa dul dhigeen shan milyan oo doolar oo loo ballan qaaday cidii soo disha ama soo xirta.
'Waxaan helay akhbaar ka timid madaxda Somalia oo ah in laba nin la dilay arbacaddii uu midkood ahaa Fazul’’ ayuu yiri madaxa booliska Kiinya Mathew Iteere oo u hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Dhinaca kale sargala sare oo ka tirsan Al Shabaab oo sida wakaaladu ay sheegtay la hadlay ayaa yiri 'mid ka mid ah raggii arbacadii lagu dilay Ex control Afgoye waxuu ahaa Fazul Abdullah, Ilaah ha u naxariisto, ma uusan dhiman maadaama ay joogaan kumanaan isaga la mid ah oo ku jira dagaalka cadawga Alle lagula jiro”
Gaariga ay wateen labadda nine e arbacdii ciidamada dowladda ayb ku dileen duleedka Muqdisho ayaa waxaa ka buuxay daawooyin, kombuyuutarada Laptop-ka, tilifoonadda Mobile-ka , sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda KMG oo saxaafada la hadlay.
Il ku dhow baaritaan ku socda labada nin ee ciidamada dowladda ay dileen arbacadii ayaa wuxuu sheegayaa in Fazul uu watay baasaboor dalka South Africa magacana ugu qornaana uu ahaa Daniel Robinson oo dhashay 1971-dii
Baasaboorka ayaa waxaa ku cad in uu soo baxay 13-kii bishii April ee sanadkii 2009, waxaana ka muuqda baasaboorka in qofka heysta uu ka soo tegay dalka South Afrika 19 kii Maarso uuna u soo socdaalay dalka Tanzaninia oo uu fiiso ka helay, fiisaha keliya ee saarnaa Baasaboorkana ay tahay fiisahaasi dalkaasi Tanzania.
Waxaa kale oo ay sarkaalkan ka tirsan nabad sugida dowladda uu sheegay in Fazul uu watay 40,000 oo dollar ka dib markii meydkiisa la baaray.
Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo iyaga u hadlay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxay sheegeen in meydadka labada nine e ay dileen ay ku wareejiyeen hay’adda nabad sugida Dowladda KMG kuwaasi oo u sii gudbiyay saraakiil Mareykan ah sida ay sheegeen ku sugan garoonka diyaaradaha si baaritaan rasmi ah loogu sammeeyo.
Fazul Abdullah, waxuu ku dhashay jasiiradda Komoros, wuxuu ururka Al qaacida uu ku soo biiray 1991-kii, waxaana la rumeysanyahay in uu ka dambeeyay weeraradii safaaraddaha Mareykanka ee 1998-dii.
2002-dii ayaa Fazul Abdullah waxaa loo magacaabay madaxa howlgalka ururka Al qaacida ee bariga Afrika, waxaana isla sanadkaasi uu qeyb ka ahaa rag weerar ku qaaday dad u dhashay Israel oo ku sugnaa Magaladaa Mambasa halkaasi oo ay ku dileen 15 qof oo u dhashay Israel, wuxuuna ka badbaaday Fazul Abdullah bishii Janaayo 2007-dii duqeyn Mareykanka uu ku qaaday deegaanka Raaskambooni oo kuyaala koonfurta Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.