Page 1 of 1

Wafdi hogaaminayo taliye kuxigeenka boliska Pland sugan cayn

Posted: Mon Jun 13, 2011 6:08 am
by FBISOMALIA
Wafdi ka socda dowladda Puntland ayaa gaaray degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn kuwaasi oo isugu jirta saraakiil ciidan,xildhibaano iyo qaar katirsan isimada gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliska iyo asluubta Puntland Gaashaanle Sare Cabdilaahi Saalax Maxamed oo hogaaminaya wafdigan ayaa sheegay in socdaalkooda ku saabsan sidii looga hortagi maamulka Somaliland oo uu sheegay inuu isku fidinayo gobolka Cayn.

“socdaalkan waa mid ku saabsan daandaansi hor leh oo ka imaanaya Somaliland oo soo gaaray degmada Widhwidh iyo Balihalac”ayuu yiri taliye kuxigeenka booliska iyo asluubta Puntland oo la hadlay Horseed Media.

Waxaa uu sheegay taliye kuxigeenka booliska Puntland inay socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay uga hortagayaan ciidamada Somaliland,waxaana uu hoosta ka xariiqay in xiisado dagaal ay ka jiraan gobolka Cayn.

“Shalay ciidamada Itoobiya iyo waxgaradka degmada waxaa ay soo arkeen barkado cusub oo laga hirgaliyay deeganka Xagaray oo katirsan Buuhoodle”ayuu yiri taliye kuxigeenka oo intaasi ku daray inaysan gobolka ka jirin wax heshiis oo oo laga gaaray dagaalkii Kalshaale.

Arimahaan ayaa ku soo beegmaya xilli saraakiil kasocda maamulka Soomaliland ay ku suganyihiin degmada Widhwidh ee gobolka Cayn kuwaasi uu maamulka gobolka Cayn uu ku tilmaamay inay tahay faragalin uu maamulka Somaliland isaga horkeenayo shacabka gobolka.

Horseed Media