Hargeysa(Somaliland.Org)- Xukuumadda ayaa shaaca ka qaaday inay soo daad gurayn doonto muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan wadanka Yeman ee qalalaasaha siyaasadeed ka taagan yahay haddii xaaladu ka sii darto.
“Waxa lagu qadarayaa dadka reer Somaliland ee ku sugan wadanka Yeman ilaa laba kun oo qof, waxaanu wasaarada arrimaha dibada u gudbinay oo aanu soo tiro koobnay 1213 qof intii kalena waanu wadnaa sidii aanu u soo diiwaan gelin lahayd,”ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee dalka Yeman Cali Maxamed Axmed oo socdaal shaqo u yimid caasimada Hargeysa.
Wakiilku waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland ay aad uga walaacsan tahay ammaanka muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan wadankaasi sababo xaalada dagaalada iyo qaska ka taagan wadanka Yeman.

Cali Maxamed oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaanu dawlada u soo gudbiyay tallo ku saabsan in loo diyaar garoobo sidii muwaadiniinteena loo soo daad gurayn lahaa haddii xaalka nabadgelyo ee dalka Yeman ka sii daro waanay naga aqbashay. Waxaanu is leenahay waxaanu ku qiyaasaynaa dadkeena wadankaasi ku nool ilaa laba kun oo qof. Waxaanay xukuumadu ku wargelisay arrintan Wasaaradaha dib u dejinta iyo Ha’yada qaxoontiga adduun. Waxaana loo diyaargaroobayaa sidii wada jir loogu soo dhawayn lahaa dadkaas.”
Wakiilka oo u waramayay TV-ga madaxa banana ee Horn Cable waxa uu ku dooday in xukuumadu ay indhaha ku hayso ammaanka muwaadiniinteeda haddii xaalada ammaanka Yeman sii murugto.



