Farriin furan oo ku socota Baarlamaanka

Somali government affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Farriin furan oo ku socota Baarlamaanka

Post by TheblueNwhite »

Heshiiska lagu gaaray Kampala Juun 9, 2011 waxaan u aragnaa in uu yahay mid fadeexad ku ah dadka iyo dalka Soomaaliya, waa mid dhaawacaya sharafta iyo jiritaanka dhammaan hay’adaha dowliga ah ee dalka Soomaaliya.

Heshiika Kampala waxaa uu ka xayuubiyay xildhibaanada baarlamaanka xuquuqdii dastuuriga ahayd ee ay lahaayeen. Taas oo ahayd in ay yihiin sharcidajiyayaasha iyo illaaliyayaasha shuruucda dalka.

Xuquuqdii xildhibaanada waxaa lagu wereejiyay shakhsi kali ah, kaas oo ah Afhayeenka Baarlamaanka.
Dhinaca kale heshiiska Kampala waxa uu meesha ka saarayaa Dawladda hadda jirta oo noqotay Dawladdii ugu horeysay muddo 20 sanno ah wax ka qabato musuqmaasuqa, amniga, nabadgelyada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaliyeed.

Haddaba waxaa is weydiin mudan maxaa la’isku haystay oo Kampala loo tagay. Waxa la’isku haystay waxay ahayd in Dawladda iyo Baarlamaanka sannad loo kordhiyo ama doorasha la’aado marka la gaaro Agoosto 2011.

Dawladda marka la leeyayay ma aha in loola jeedo Madaxweynaha ee waxaa loola jeedaa Wasiirka koowaad iyo wasiirada kale ee ay xukuumadda ka dhisan tahay.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxa ay si isku mid ah u diideen heshiiskii Kampala. Waxay shucuurtooda ku aadan sida ay u diidan yihiin qodobadii shirka Kampala ku muujieen dibadbaxyo, qoraallo, iwm.

Waxaa muuqata oo aan la iska indha tirikarin in shacabka Soomaliyeed billaabeen xisaabtan ku aadan cidda wax u qabaneysa iyo cidda qiyaameeyneysa. Shacabka Soomaaliyeed waxay bilaabeen kacdoon ay ku doonayaan in ay ku soo ceshadaan sharaftoodii iyo qarannimadoodii. Shacabku ma yeeli doono in markale masiirkooda marti uga noqdaan shaqsiyaad aan u diirnaxayn, lahayna dareen waddaninimo.

Midowga Ururada Nabadda iyo horumarinta Somaliya ee Waqooyiga Yurub wuxuu halkan ku caddeynayaa in uu si buuxda u barbar taagan yahay kacdoonka shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan shacabka Reer Muqdishu. Kacdoonkaa oo ku aadan ilaalinta Qarannimad Somaliyeed.

Waxaan la qeybsaneynaa xannuunka iyo dareenka murugada leh ee uu abuuray hashiiska Kampala. Waxaan idiin la qaybsaneynaa aragtida ah in heshiiska Kampala uusan ka tarjumeynin danta iyo maslaxaddaUmmadda Somaliyeed laakiin cidda keli ah ee uu u faa’ideynaayo tahay Al-Shabaab iyo cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Sidaa awgeed wuxuu Midowga Ururada Nabadda iyo horumarinta Soomaaliya ee Waqooyiga
Yurub u dirayaa fariin ku aadan badbaadinta qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed Barlamaanka iyo
Xukumadda Somaliya.

:up: :som: :som: :som: :clap: :clap: :clap:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somali Government”