Dagaal xalay Garbahaareey ka dhacay iyo barakac xoogan oo sa

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Dagaal xalay Garbahaareey ka dhacay iyo barakac xoogan oo sa

Post by grandpakhalif »

Garbahaareey ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo kuwa xarakada Alshabaab iyadoo saakana halkaasi barakac xoogan uu ka socdo.

Abaaro saacadu markii ay aheyd 9:00 habeenimo ee xalay ayaa mar qura lawada maqlay madaafiic xoogan oo kusoo dhaceysay saldhigyada ay ciidamada Dowladu ku leeyihiin magaalada G/haareey kadibna ay xaaladu isku bedeshay mid dagaal fool ka fool ah oo gudaha magaalada ku dhexmaray Alshabaab iyo Dowladda.

Dagaalka oo sida la sheegayo soo gaaray ilaa saaka aroortii hore ayaan la ogeyn khasaaraha kala gaaray labada ciidan iyo dadka rayidka ah.

Xaalada magaalada ayaa haatan ah mid degan iyadoo howlagalo baaritaan ahna ay magaaladu ka wadaan ciidamada Dowladda.

Ma jiro wax war ah oo dagaalkaan ku saabsan oo kasoo baxay Maamulka Dowladda KMG ah ee gobolka Gedo iyo kan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

———
Daahir Guuleed, Muqdisho/Somalia.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”