Hargaysa (SDWO 14/06/2011) Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa Mr Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa Maanta warbaahinta uga waramay Mishiin cusub oo ay wakaaladu soo iibsatay.
Mishiinkan cusub oo saaka soo gaadhay wakaalada biyaha isla markaana ah kii labaad ee soo gaadha wakaaladaasi biyaha tan iyo intii uu xilka hayey maareeyaha wakaaladaasi Ibraahin Siyaad Yoonis oo ahayd muddo kooban, ayaa waxa maareeyaha ku wehelinaayey munaasibada shaacinta mishiinkan Wasiirka wasaarada Diinta iyo Aw qaafta, wasiirka wasarada macdanta iyo Biyaha,duqa caasimada hargaysa,Culimo awdiin iyo marti sharaf kale.
Maareeyaha oo ugu horeynba halkaasi ka hadlay ayaa u sheegay warbaahinta inay mishiinkan kasoo iibiyeen lacagihii kala duwanaa ee ay ka qaadaan dadka Qasabaduhu uugu jiraan,waxaana hadaladiisii kamid ahaa "Arintani talaabo horleh oo aanu bulshada ku tusayno in waxa laga qaadaa ee gunayar ahi ay dib uugu soo noqoto waxaana aad indhihiina ku arkaysaan mishiin cusub kaas oo aan filaayo inuu wax weyn ka tari doono biyo yaraantii caasimada haysay"
sidoo kale maareeyuhu waxa uu ka waramay xadiga mishiinka iyo waliba qiimaha lacagta ku baxday isagoo intaasi ku daray in hadii lacaga dadku si fiican u bixiyaan aynu iibsankarno mishiino badan si aan uuga baxno biyo yaraanta ka jirta magaalada waxaana uu yidhi "mishiinka oo ah 550KVA oo ay ku baxday lacab dhan 71.043 $ oo aanay jirin hay´ada naga caawisay dhanka xarashka intaasina ay ahayd lacagihii dadka laga qaadaayey uun, waxaan hubaa in kan iyo kuwo ka badanba aynu baanta iibsan kar hadii aad siwanagsan inkaga bixisaan kunada yar ee bishii laydinka qaado"
Dhanka kale mishiinka cusub ee kuu eenay maareeyuhu waxaa iyagu baal socday qalab kale oo spare part ah oo qiimihiisu dhan yahay 13,200$ kuwaasi oo lagu dayac tiraayo sida uu maareeyuhu sheegay mishiinadii hore u yaalay xarunta biyo soo saarka waxaana isku gayn ku baxay qarash dhan 69,000$.
Waxaa kale oo isna halaaksi ka hadlay wasiirka wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo si aada uuga waramay xaalada biyo yaraaneed ee aynu maanta ku jirno isaga oo Illaahay raxmaadkiisii inoo shubay waxaana uu aad uugu mahad celiyey maareeyaha wakaalada bihaya ee iyadu dakhli ahaan soo iibsatay Mishiinkan iyo waliba qalabkan sperparka ah,
wasiirku waxa uu intaasi ku daray in laba xili ee xagaaga iyo Jiilaalka ay tahay laba goor ee dadkeenu biyaha aad u istic maalaan isagoo ugu danbayntiina dadka ku dhiiri galiyey inay wakaalada intii karaan kooda ah wax la qabtaan.
sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo si aada uugu mahad celiyey maareeyaha wakaalada biyaha oo dadaal uugu jiray sidii ay dadkeeda uuga haqab tiri lahayd biyaha oo ay nolosheena koowaad waxaanaan illaahay uuga baryaayaa inuu hawshaa la garab gallo
SDWO News Desk Hargeysa