Farmaajo sticks his middle finger out at Sheikh Sharif
Posted: Tue Jun 14, 2011 2:10 pm
A day and half after Sheikh Sharif said the protestors were paid and that Farmaajo will resign, Farmaajo made a press conference saying there is no chance in hell he will resign and will only leave after a no confidence vote in Parliament
Ra’iisul wasaare Farmaajo oo sheegay in uusan iscasileyn ( Sawiro)
Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in uusan is casli doonin, isagoo dhinaca kale ciidamada dowladda ugu baaqay in aysan waxyeeleyn dadka Banaanbaxayaasha ah ee afkaartooda muujinaya.
Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ugu horeyn ka hadlay qodobadii ka soo baxay heshiiskii madaxda dowladda KMG ee Magaalada Kampala iyo waxa ka jira in uu xilka iska casilayo, waxaana uu Ra’iisul wasaaraha sheegay in markii uu ka soo laabtay Magaalada Kampala uu la tashiyo kala yeeshay waxyaabihii ka soo baxay heshiiskaas golihiisa wasiirada Xukuumada KMG.
Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa waxa uu sheegay in markii uu dhageystay talooyinka golihiisa wasiirada iyo tixgalin uu siiyay dadkii dibadbaxa sameynayay ay u soo baxday in go’aanadii ka soo baxay heshiiskii Kampala uu u gubiyo Barlamanka, waxaana uu sharuud ku xiray xil ka degistiisa, isagoo sheegay in uu xilka ka dagi doono markii ay kalsoonida kala laabtaan shacabka iyo golaha barlamanka hadii kale uu sii heynayo xilkaasi.
Farmaajo ayaa waxa uu u mahad celiyay dadkii dibadbaxa sameynayay ee taageerada siinayay xukuumadiisa kuwaasi oo uu sheegay in ay muujiyeen sida ay u garab taaganyihiin qaranka Soomaaliya, balse waxa uu sheegay in siyaasada xukuumadiisa aysan ku jirin in la dhibaateeyo shacabka, isagoo carabka ku dhuftay in baaritaano ay ku sameynayaan xadgudubyo uu sheegay in lagula kacay dadkii dibadbaxayay.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa ugu dambeyn waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay ahmiyada ugu horeysa siisay ciidanka qalabka sida si wax looga qabto xaalada amaan ee dalka, waxaana uu tilmaamay in xukuumada ay ku guuleysatay in ay daboosho baahidii ciidanka ee dhinaca mushaarka iyo in ay u dhameystirto qalabka ay ku dagaalamaan, waxaana taasi uu sheegay in laga faa’iidey in ciidanka ay toogtaan hogaamiyihii ururka Al qaacida ee bariga Afrika Fazul Cabdullaahi Max’ed taasi oo uu sheegay in caalamka ay tuseyso in ciidanka qalabka sida ee dowladda ay u taaganyihiin difaacida qaranka Soomaaliyeed.
Max’ed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu sheegay in xukuumada KMG ay si aad ah u xoojineyso amaanka Magaalada Muqdisho, isagoo xusay in haatan wixii ka dambeeya uu yahay ku simaha wasiirka amniga qaranka.
Hadalka ka soo baxay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa la leeyahay waxa uu ka hor imaanayaa qodobadii ka soo baxay heshiiskii madaxda dowladda ee Kampala kaasi oo dhigayay in Ra’iisul wasaaraha uu xilka isaga casiliyo mudo 30 maalin gudahood ah islamarkaana la soo magacaabo xukuumad cusub si ay u wada shaqeeyaan barlamanka iyo xukuumadda.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
http://shabelle.net/article.php?id=7590