Muqdisho: (Sh. M. Network) Caawa fiidkii ayaa waxa gobolada dalak laga dareemay dayax madoobaad iyadoo ay madoobaatay bisha, waxaana culumaa’udiinka ay ugu baaqeen shacabka in ay Alle baryaan.
Waxaa la arkayay dad farabadan oo goobaha cibaadada ku sii qul qulaya, iyadoo wadooyinka nabdoon ee Magaalada Muqdishana ay isugu soo baxeen dad aad u farabadan oo dambi dhaaf weydiisanaya Allaah.
Sidoo kale goobaha dayax madoobaadka laga dareemaya yaa waxa ka mid ah gobolada dhexe iyo kuwa koofureed ee dalka Soomaaliya, iyadoo dadkuna ay buux dhaafiyeen majsaadada si ay alle u baryaan.
Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay bilaabeen sii deynta aayadaha quraanka iyo ducooyin si toos ah uga baxaya talefashanida carabta kuwaasi oo lagu baryayo Alle.
Cid walba oo warkaan aqrisaa waxa laga doonayaa in ay dhinaceeda ka sameyso Alle bari si dayax madoobaadka uu Alle inooga qaado.
