Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Oo Soo Gaaray Bosaso

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Oo Soo Gaaray Bosaso

Post by FBISOMALIA »

Image

Waxaa maanta magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari soo gaaray Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire oo muddooyinkii ugu danbeeyey ku maqnaa dalalka Malaysiya iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo kasoo dagey duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso ayaa waxaa kusoo dhaweeyey gudaha garoonka mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Puntland oo ay kamid yihiin:

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Faarax Cali Jaamac
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Injineer Siciid Maxamed Raage.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cali Axmed Gamuute.
Wasiirka ganaciga iyo Warshadaha Puntland Xasan Faarax Jaamac.
Taliye Kuxigeenka Ciidamada Booliska Iyo asluubta Puntland Muxiyadiin Axmed Musse iyo mas’uuliyiin kale.

Image

Jeneraal Cabdisamad Cali Shire oo Saxaafada hadal kooban ku siiyey gudaha garoonka ayaa sheegay in dalka dibadiisa uu ugu maqnaa arrimo Caafimaad iyo danaha Puntland balse faahfaahin kooban kama uusan bixin danaha Puntland ee ku maqnaa Madaxweyne Kuxigeenku.

….”Dad badan ayaa igala soo xirriiray dibadaha oo Ilahaa Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisu wey ka maqan yihiin dalka,mar kasta ku Iraahdaa Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa oo kaliya maahan Dawladda balse Dawladu waa shacabka iyo Wasiiradda Puntland…”ayuu yiri Jeneraal Cabdisamad.

Intii uu Saxaafada la hadlaayey ayuu soo hadal qaaday in gudaha Puntland ay ka falal amni xumo ay ka dhaceen,Isagoona sheegay in loo baahanyahay in hawlahaasi laga gudbo.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland ayaa muddo bil ah uga maqnaa dalka gaar ahaana Puntland kaas oo intii uu ku sugnaa dalka Malaysiya kulamo la soo yeeshay Jaaliyadda Puntland ee dalkaasi.

Cismaan Turaabi
Horseed Media
Bosaso,Puntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”