Reer Hawd Taking OVER WidhWidh ! BREAKING NEWS
Posted: Sun Jun 19, 2011 1:19 pm
Daruur Colaadeed oo Dul Hoganaysa gobolka Cayn iyo Widhwidh oo Ciidamo kala Duwan ku Qul qulayaan.
Waxaa xiisad colaadeed ka taagan tahay deegaanada gobolka Cayn ee dhanka Bariga ka dib markii magaalada Widhwidh u gacangashay maleeshiyaadka beesha Isaaq oo ay la socdaan Horgalo deegaanka ah, saaka waxaa magaalada Widhwidh soo gaadhay maleeshiyaad ay kala watraan nin Isaaq ah oo lagu magacaabo Ilbir iyo Madiidin Mahad Canbaashe oo asagu ah Taliyaha horgalada deegaanada SSC kuwa ciidamada sheegta. Ninkas oo ay hoos yimaadaan dhamaan horgalada maleeshiyaadka ku Caaglaystay oo uu ugu danbeeyey Damiir laawa Kayse Abdi Yuusuf.
Waxayna markiiba magaalada Banaanka uga saareen maleeshiyadkii u dhashay Widhwidh hase ahaatee la jaalka ahaa SNM, kuwaasoo lagu amray in cid aan ka soo jeedin beesha Isaxaaq aan lagu aamineyn sugitaanka amaanka Widhwidh, waxayna hada yihiin kuwo debeda ka ah magaalada, ayagoo weliba haysta Hub cul culus, kuna dhici waayey inay diidaan amarka Horjooge ilbir.
Ina dhegoweyne Badhyo cune oo ah horjooge ka sii hooseeye Horgale Kayse ayaa loo sheegay in asaga iyo maleeshiyaadkiisu aysan magaalada cag soo dhigi karin ilaa amar danbe, waxayna sida ku qaateen Amarkii ilbir, wuxuuna wax deegaanada SSC ah ka soo gaxaystay waxooga ina Canbaashe wato walow ina Canbaashe laftiisa ciidankisii lagaga reebay Bali hadhac.
Diyaar garoowgii ugu danbeeyey ee Buuhoodle
Waxaa daqiiqado ka hor soo dhamaaday kulan albaabada loo xidhay oo ay la haayeen ciidamada qalabka sida ee Deegaanka gobolka Cayn, kuwaasoo ah ciidamadii casharada lama ilaawaanka ah ka dhigay Kalshaale, waxayna qaraar ku gaadheen in hada loo jihaysto dhanka Widhwidh, shir jara’id oo ay qabteen odayaasha deegaanka Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, ayey ku fasaxeen in dagaal difaac ah la qaado si beey dheheen loo Badbaadsho shacabka Widhwidh oo ah kuwo la daaladhacaya Hantaaqada maleeshiyaadka SNM iyo madiidinadooda ilaa Laascaanood ay ka soo kiraysteen.
Shacabka Buuhoodle ayaa dhamaantood isku raacay in difaac gobolku yahay Muqadas, isla markaana hada loo jihaysto Widhwidh, waxaana hada sida muuqata laga diyaar garoobayaa dhamaan tuulooyinka hoos yimaada Widhwidh oo ayagu ah kuwo diidan Gunimada ka socota Widhwidh.
Waxaa bartamaha magaalada Buuhoodle lagu arkayey ciidamo gaaf wareegaya iyo dhalinyarada ururka Buuhoodle Youth Volanteer Organization{BYVO}. Oo wacyi gelin ka wada gudaha magaalada.
Isku soo wada duubo Daruurtii colaada ee Kal hore joogtay baliga taariikhda reebay ee Kalshalle ayaa hada dul Hoganaysa Widhwidh, waxaana haba yaraatee aan muuqan ilaa hada Waan waan , waxayna sheekadu hada botorinaysaa Miidaamo dhego ma leh hadii meleg Dhawaaqayo.
Daqiiqad kala soco warar Horufadhi.com
Short URL: http://horufadhi.com/?p=4496