Page 1 of 1

show time in puntland parliament

Posted: Wed Jun 22, 2011 11:23 am
by FBISOMALIA
Garowe, June 19- Qaar ka mid ah xildhibaanada baalamaanka Puntland ayaa maanta si kulul u dhaliilay waxqabadka dawladda, islamarkaana su’aalo arrimahaasi la xiriira waydiiyey M/weynaha Puntland oo maanta furay kal-fadhiga 26-aad ee baarlamaanka Puntland.

Inkasta oo la sheegay in siyaasada dibedda wax badani ka hirgaleen ayaa lagu dhaliilay xukuumada M/weyne Faroole in ay ku fashilantay arrimaha gudaha, ayna Puntland ka dhaceen falal-dambiyeedyo aad u fara badan, ay luntay kalsoonidi ummadda ee maxada iyo hay'adaha dawlada, ayna heerkii u hoosaysay gaartay mdnimada shacabka Puntland.

Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan dawladdu si buuxda wax uga qaban muddadii labada sano iyo barka ahayd ee jirtay arrimaha ammaanka, siyaasadda gudaha, cadaaladda iyo garsoorka, wax ka qabashada gobolada maqan iyo arrimo kale.

Xildhibaan Max’ed Cali Guuleed ‘Indhobuur’ oo ka mid ahaa xildhibaanadii M/weynaha su’aalaha waydiiyey ayaa markii uu M/weynaha weydiinayey arrimaha ammaanka tusaale u soo qaatay dilalkii qorshaysnaa ee ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland, dagaalkii ka dhacay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari, dhacdooyinka gobolka Mudug iyo arrimo kale

M/weyne Faroole ayaa si cadho leh uga jawaabay dhaliisha mudanayaasha baarlamaanka, difaacay waxqabadka xukuumadiisa, sheegayna in dawladdu ay si fiican wax uga qabatay hawlihii loo igmaday.

Axmed Sh. Tallman
Radio Daljir.

Re: show time in puntland parliament

Posted: Wed Jun 22, 2011 11:24 am
by FBISOMALIA
MR. president you accept to be puntland president to do your job in puntland not somalia matter so what happen next is your own action not others