Shaqaalaha Golis gobolada Nugaal iyo Sool tababari in Garowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Shaqaalaha Golis gobolada Nugaal iyo Sool tababari in Garowe

Post by FBISOMALIA »

Image

Tababarka oo soconayay muddo 13-cisho ah ayaa waxaa lagu baranayay badbaadinta qalabka shirkadda,caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka.

Maamulaha shirkadda Golis laanteeda magaalada Garoowe Maxamuud Ismaaciil Aw-Cismaan oo ka hadlay munaasabadda lagu soo gabagabeeyay tababarkan ayaa waxaa uu sheegay in tababarkan uu ahaa mid ay ka qaybqaadanayeen 28-xarumood oo ay shirkadda Golis ay ku leedahahay gobolada Nugaal iyo Sool

Waxaa uu sheegay maamulaha laanta Golis ee magaalada Garoowe in tababarkan uu ahaa mid ay ugu talo galeen in shaqaalaha shirkadda lagu baro sidii ay u adaryeeli lahaayeen qalabka shirkadda iyo sidii ay ugu qaybqaadan lahaayeen ilaalinta deegaanka.

Masuuliyiin kale duwan oo sidoo kale kasocotay shirkadda Golis oo ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa waxaa ay kula dardaarmeen ka qaybgalayaasha tababarka inay noqdaan kuwa aqoonta ay barteen ku shaqeeya.

Maareyaha Guud ee shirkadda Golis Aadan Sheekh Doon oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inay shirkadda Golis ay tahay mid ku howlan sidii ay uga qaybqaadan lahayd horumarinta deegaanada ay ka howlgasho islamarkaana tababarkan uu yahay mid qayb ka ah qorshaha ay shirkada ugu qaybqaadanayso horumarinta iyo ilaalinta deegaanka.

Waxaana ugu dambeyntii madaxa shirakadda Golis uu gudoonsiiyay dhamaan xubnaha ka qaybqaatay tababarkan shahaado cadaynaysa tababarada ay qaateen iyo agabyo ay ku howlgalayaan.

Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Shaqaalaha Golis gobolada Nugaal iyo Sool tababari in Ga

Post by quark »

Golis :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”