
Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Hambalyo u diray shacbiga Jabuuti
June 28th, 2011
Hargeys(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga dalka Jabuuti ku bogaadiyay xuska sanad guuradda 34-aad ee ka soo wareegtay markii dalkaasi xornimada ka qaatay sanadkii 1977-kii dalka Faransiiska.
Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ku sheegay war saxaafadeed xalay ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Madaxweyne ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga reer Jabuuti Munaasibada, Xuska iyo Dabaal-degga 27-June oo ku beegan Maalintii uu shacbiga reer Jabuuti Madaxbanaanidiisa ka qaatay Mastacmaradii France-ka.
Madaxweynuhu Waxa uu Madaxweyne Geelle iyo Shabcigiisa Reer Jabuutiba u rajaynayaa inay Sannadkan, Sannadkiisa ku Gaadhaan Guul iyo Barwaaqo,
Isla markaana waxa uu ku hambalyeynayaa horu-marka ay dawlada Jabuuti ka Samaysay Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada iyo IWM.
Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jabuuti iyo Dawladiisa kula dardaarmayaa inay halkaa ka wadaan Dedaalkooda oo ay dhan uga soo wada jeedaan horu-marka ay imikaba inta muuqata ku talaabsadeen. Ciid Wanaagsan Ciid Wanaagsan Ciid Wanaagsan.”
