Mujahidiinta Taliban attack Intercontinetel Hotel

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Mujahidiinta Taliban attack Intercontinetel Hotel

Post by grandpakhalif »

Mujaahidiinta ka dagaalamaysa wadanka afghanistan ayaa fuliyay mid kamida weeraradii ugu halyaysanaa oo ay ku qaadaan cadawga kirishtaanka Jinsiyadaha kala gedisan leh ee ku duulay wadanka Muslimka afghanistan.

Xaly Fiidkii ayay ciidamo Istish-haadiyiin ah oo katirsan Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay gudaha u galeen magaalada Kaabul ee xarunta wadanka iyagoona beegsaday Ahdaaf gaar ah oo ay ku sugnaayeen cadawga.

Mujaahidiinta oo ka koobnaa kuwa toos u dagaalamayay iyo kuwa Istish-haadiyiin ah oo walxaha qarxa watay ayaa gudaha u galay Hotel weyn oo Kabul ku yaal halkaasi oo ay ku kulansanaayeen Saraakiil katirsan Mareykanka iyo Jawaasiista xukuumadda Riddada Afhanistan.

Dagaal saacado socday ayaa ka dhacay gudaha iyo hareeraha Hotelka Intercontinental oo ah Hotel ay maamulaan shakhsiyaad Musaadka Yahuudda xariir laleh waxaana hotelkaasi inta badan ka dhaca shirarka ay yeeshaan laamaha wardoonka gaalada.

Dagaalka oo socday muddo 5 saacadood ah waxaa ka dhashay khasaara aad u xoogan oo gaaray dadkii ku sugnaa gudaha Hotelka, Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo u hadlay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa sheegay in ciidan gaar ah ay Imaarada Islaamiga Afghanistan u dirtay Kabul ayna fuliyeen hadafkoodii.

Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Xamiid Karzaay ayaa shaacisay in 10 katirsanaa saraakiisheeda Booliska iyo sirdoonka ay kamid yihiin dadka lagu dilay weerarkii Istish-haadiga ahaa ee ka dhacay Hotelka Intercontinental waana war hordhac ah oo dhanka cadawga kasoo baxay kaasi oo lagu xaqiijinayo khasaaraha soo gaaray.

Hotelka ayaa ku burburay weeraradii lagu qaaday waxaana jira Meydadka cadawga oo weli lagasoo daad gureynayo burburka hoostiisa, muuqaallo lagusoo bandhigay shabakadaha Internet-ka ayaa muujinaya iftiinta rasaasta oo Kaabul hareysay iyo hotelka Intercontinental oo gubanaya, weerarkan ay mujaahidiinta Afghanistan ka fuliyeen Hotelka Intercontinental wuxuu kamid yahay weerarada halyaynimo ee taariikhda geli doona maadaama hotelkaasi yahay mid amaankiisa ay aad u ilaaliyaan gaalada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”