Gudoomiyaha baarlamaanka ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa maanta magacaabay afar xubnood oo qayb ka noqonaysa sagaalka xubnood ee uu ka koobnaanayo gudiga doorashada Puntland oo uu dhowaan 5-ka mid ah uu soo magacaabay madaxwaynaha Dowladda Puntland.
Xubnaha uu magacaabay gudoomiyaha baarlamaanka ee Puntland ayaa waxa ay kala yihiin:
1-Dr.Cali Cabdiraxmaan Xirsi
2-Yuusuf Xaaji Saciid
3-Maxamuud Soofe Xasan
4-Cabdirisaaq Axmed Shiikh Shoolaa.
Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa 28-kii June ee bishan magacaabay shan xubnood oo qaybka ah gudiga doorashada ee Puntland,waxaana xubnihii ugu dambeeyay ee uu magacaabay gudoomiyaha baarlamaanka ee Puntland ay dhamaystirayaan tiradii laga filayay gudiga doorashada ee Puntland.
Xeerka gudiga doorashada Puntland oo ay horay u ansixiyeen Golaha wasiirada iyo golaha wakiilada Puntland ayaa qeexaya in gudiga doorashada Puntland inay noqdaan sagaal xubnood oo afar ka mid ah ay soo gudbinayaan golaha baarlamaanka ee Puntland,halka shan xubnood uu dhigayo inuu magacaabo madaxwaynaha Puntland,waxaana uu gudigan uu si rasmi ah uu howshiisa ay bilaabmaysaaa marka ugu horeysa oo ay baarlamaanku ansixiyaan.
Gudiga doorashada ee Puntland ayaa ugogol xaaraya sidii maamulka Puntland uu uga gudbi lahaa nidaamka beelaha,islamarkaana uu u gudbi lahaa nidaamka axsaabta badan.
Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland.
Xubnaha gudiga doorashada ee Puntland oo la dhamaystiray
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Xubnaha gudiga doorashada ee Puntland oo la dhamaystiray
now its finish good work MR.president
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 381 Views
-
Last post by damu
-
- 0 Replies
- 322 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 2736 Views
-
Last post by Sharmarke91
-
- 0 Replies
- 350 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 952 Views
-
Last post by mashallahbro
-
- 0 Replies
- 658 Views
-
Last post by afisoone
-
- 0 Replies
- 331 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 312 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 1 Replies
- 338 Views
-
Last post by SuldaanMaplesyrup
-
- 17 Replies
- 5372 Views
-
Last post by Gladys2020