
Bosaso (RBC Radio) Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Bari ayaa Maanta La Hor Keenay Wariye Faysal Maxmed Xasan Oo Dhawaanahan ku jira Xabsiga Magalada Boosaso.
Gudaha Maxkamada ayaa Maanta waxaa ku sugnaa Dhamaan saxafada ka howlgasha Gobolka Bari Gaar ahaa Magalada Boosaso.
Maxakamada ayaa Markii ay guda Gashay Kiiska loo haysto Faysal Boston waxaa ay Halkaasi Ku Soo Bandhigtay Warbixin dheer Oo Faysal ku Qoray Boga Hiiraan.com.
Warbixinta ayaa waxaa akhriyay Mid ka mid ah Xubnaha Maxkamada Iyadoona Ay yoolka uu ahaa qodobo uu hiigsaday Markii uu warbixnta Qorayay Gaar ahaan In Raga Meydkooda Laga Helay Yalho ay Ka Tirsanaayen Ciidamda Puntland.
Arintaasi Oo Xeer Ilaalinta ku sheegtay in ay Tahay mid Been Abuur ah In Ragaasi Ka Tirasnayen Ciidamada Puntland, taasi oo Xeer ilaanta Qaybtood Si Cad u Sheegen in Raga La Gowracay Ka Tirsanayen Ciidamda Puntland.
Markii ay Dhamaatay in Dacwada ayaa waxaa Gudomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari iyo Xeer Ilaaliyeyasha u Baxeen Mudo Kooban Bananka, Markii la isku so Noqday ayaa waxaa Go’aanka ku dhawaqay Gudomiyaha Maxkada.
Gudoomiyaha ayaa Waxaa Uu halkaasi ka sheegay in Faysal Maxmed Ku Xukuntay Maxkamda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari Markii ay Kiiskiisa Fiirisay Ku xukuntay Hal sano Oo Xariga ah Racfaana ka Qaadan Karo
Xukunkan ayaa waxaa ka Hadlay Qareenka u doodayay Faysal Maxmed Oo sheegay in Ay Tahay mid laga Xumaado maadama aysan Maxkamada Oolin Wax Cadeen ah.
Maaha markii Ugu Horeysay oo Xukun ay Ku Rido Maxkamada Boosaso Wariye Balse Waxaa Horey Xukuno kala duwan loogu riday Wariyeyaal Ka Howlgali jiray Gobolka Bari.
RBC Radio