Page 1 of 1

AL-SHABAAB MILITARY IN WESTERN SANAAG !!!

Posted: Tue Jul 05, 2011 12:54 am
by Knight of Wisdom
Ciidamo Alshabaaba oo u badan Beesha Isaaqa ayaa saldhigyo ka samaystay degaano ka mid ah Gobolka Sanaag.


Ciidamadan oo ahaa kuwii koonfurta Soomaaliya soo gubay loona tababaray in ay nabad xumo ka dhaliyaan ama ka buuraan Gobolka Bari, degmada Galgala ayaa hada sida la sheegayo waxay saldhigyo ka samaysteen degaano ka mid ah ,degaanada Beesha Maakhir degto ee galbeedka gobolka Sanaag





Ciidamadan ayaa ka amar qaata Hogaamiyaha Alshabaab Axmed Godane waxay marar hore si dhuumaalaysi ah ku soo galeen gobolka Bari magaalada Boosaaso iyaga oo halkaa ku dilay Odayaashii Warsangeli oo diidanaa joogitaanka Alshabaab ku sugan yihiin Magaalada Galgala ee Gobolka Bari


Maamulka Siilaanyo ayaa inta badan ka kaalmeeya Maleeshiyadkan hubka iyo raashinka sidoo kalena siiya tababar ciidan si ay nabad xumo uga abuuraan gobolka Bari iyo Sanaag iyaga oo adeegasanaya maangaab ka soo jeeda Beesha Warsangeli oo garan waayey sababta Isaaqu u doonayo in u Jihaad ka bilaabo xero Harti sida Galgala, hase ahaatee Burco iyo Hargaysa ay gacmo furan ugu soo dhoweenayaan raga la midka ah Gunter Bischoss


Ciidanka daraawiishta Gobolka Sanaag ee maamulka Puntland ayaa dhowaan waxay ka xireen wadooyinkii maamulka Siilaanyo u soo marin jiray hubka iyo raashinka maleeshiyaadkii isku urursatay qayb ka mid ah Buurta calmadow.Waana sababta ku kaliftay in ay samaysteen meel kale oo ay isku urursadaan maanta.


Bulshada Puntland iyo madaxda ugu saraysa maamulka Puntland ayaan u dul qaadan doonin hal Askari oo Alshabaab ah oo ku sugan degaanada Puntland oo Gobolka Sanaag ka mid yahay sida ay horay u sheegeen , hase ahaatee waxaan la ogayn jawaabta uu Raisawasaaraha Cusub Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka bixin doono Alshabaabta waqooyiga oo dagaalka kula jirta maamulka Puntland iyo in dawlada Federaalku kaalmo siin doonto Ciidanka Darwaasiishta gobolka Sanaag oo dagaalka kula jira Alshabaabta waqooyiga oo la mid ah kuwo koonfurta Soomaliya ka dagaalamaya iyaga oo kaalmo ciidan ka helaya Maamulka Siilaanyo iyo Eriteriya.

Re: AL-SHABAAB MILITARY IN WESTERN SANAAG !!!

Posted: Tue Jul 05, 2011 5:09 am
by FBISOMALIA
we said before sland behind alshabab we have to break sland so they stop helping the terrorist