
Garowe (RBC Radio):- Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta isugu yimid fadhigoodii asbuuclaha ahaa waxaana kulanka maanta shir gudoominayey Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).
Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa maanta looga hadley diyaargarowga Sanadguurada 13-aad ee ka soo wareegatay aas’aaskii dowladda Puntland, waxaana Golaha Xukuumadu isla garteen in guddi heer Wasiiro ah loo xilsaaro arintaasi in ay ka shaqeeyaan isla markaana agaasimaan oo ay isku dubaridaan munaasabadaha maalintaasi qiimaha badan ee 1-da Agoosto lagu soo dhoweynayo.
Waxaa xubnaha Golaha Wasiirada dood iyo falanqeyn dheer kadib ay isla garteen in la magacaabo Guddi Wasiirada laga soo dhex xulay oo ka kooban afar xubnood, waxaana guddiga la soo xulay uu noqday sidatan:-
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye
Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Mudane Axmed Cali Askar
Wasiir xigeenka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Mudane C/laahi Maxamed Aswad
Wasiir xigeenka Shaqada Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Mudane Cismaan Cawad.
Dhamaan xubnahani ayaa ah afartii xubnood ee ay Golaha Wasiirada Puntland iska dhex doorteen shirkoodii maanta, waxaana guddigani looga fadhiyaa in ay hagaajiyaan maalinta 1-da Agoosto oo ah maalin ay shacabka Puntland heleen dowlad samatabixisa, waana maalin farxad gooni ah ku leh shucuubta Puntland.
RBC Radio.